Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga oo heshiis ku aadan iskaashiga xagga Kalluumeysiga laga galay dhigiisa Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar u qabatay kalluumeysatada gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Cumar Ceeymooy oo safar shaqo ku jooga Dalka Masar, isla markaana ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ayaa heshiis horudhac ah la galay dhigiisa Masar, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi.

Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in heshiiska uu ku saabsanyahay sidii Wasaaradda looga caawin lahaa tayaynta shaqaalaha Kalluumeysiga, qalabka lagu kalluumeysto iyo sidii looga faa’iideysan lahaa wax soo saarka kheyraadka badda Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

“Wasiirka aan la kulmay waxa uu isku hayaa xilka Wasaaradaha beeraha, Xanaanada xoolaha iyo Kalluumeysiga, runtii aniga arrimaha kalluumeysiga ayaan ka wada hadalnay, waxaana kala saxiixanay heshiis horudhac ah, oo ku saabsan sidii la isaga kaashan lahaa wax soo saarka badda iyo in ay gacan nagu siiyaan tayaynta shaqaalaha Kalluumeysiga ku howlan” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in todobaadyada soo socda ay Caasimadda soo gaari doonaan quburo ka socda dowladda Masar, si ugu kuur galaan hirgelinta heshiiska isfahamka ah ee ay labada Wasiir kala saxiixdeen.

Tani ayaa qeyb ah qorshaha Wasaaradda ay ku dooneyso sidii loo horumarin lahaa ka faa’iideysiga kheyraadka badda, isla markaana dhiiirii gelin loo sameeyo kalluumeysatada, si ay sare ugu qaadaan wax soo saarkooda.

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan casho sharaf ah oo xalay Cadaado loogu sameeyay wafdiga Ra’iisul wasaaraha “SAWIRRO”

Next Post
Kulan casho sharaf ah oo xalay Cadaado loogu sameeyay wafdiga Ra’iisul wasaaraha “SAWIRRO”

Kulan casho sharaf ah oo xalay Cadaado loogu sameeyay wafdiga Ra’iisul wasaaraha "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In