Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga oo heshiis ku aadan iskaashiga xagga Kalluumeysiga laga galay dhigiisa Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar u qabatay kalluumeysatada gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Cumar Ceeymooy oo safar shaqo ku jooga Dalka Masar, isla markaana ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ayaa heshiis horudhac ah la galay dhigiisa Masar, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi.

Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in heshiiska uu ku saabsanyahay sidii Wasaaradda looga caawin lahaa tayaynta shaqaalaha Kalluumeysiga, qalabka lagu kalluumeysto iyo sidii looga faa’iideysan lahaa wax soo saarka kheyraadka badda Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026

“Wasiirka aan la kulmay waxa uu isku hayaa xilka Wasaaradaha beeraha, Xanaanada xoolaha iyo Kalluumeysiga, runtii aniga arrimaha kalluumeysiga ayaan ka wada hadalnay, waxaana kala saxiixanay heshiis horudhac ah, oo ku saabsan sidii la isaga kaashan lahaa wax soo saarka badda iyo in ay gacan nagu siiyaan tayaynta shaqaalaha Kalluumeysiga ku howlan” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in todobaadyada soo socda ay Caasimadda soo gaari doonaan quburo ka socda dowladda Masar, si ugu kuur galaan hirgelinta heshiiska isfahamka ah ee ay labada Wasiir kala saxiixdeen.

Tani ayaa qeyb ah qorshaha Wasaaradda ay ku dooneyso sidii loo horumarin lahaa ka faa’iideysiga kheyraadka badda, isla markaana dhiiirii gelin loo sameeyo kalluumeysatada, si ay sare ugu qaadaan wax soo saarkooda.

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan casho sharaf ah oo xalay Cadaado loogu sameeyay wafdiga Ra’iisul wasaaraha “SAWIRRO”

Next Post
Kulan casho sharaf ah oo xalay Cadaado loogu sameeyay wafdiga Ra’iisul wasaaraha “SAWIRRO”

Kulan casho sharaf ah oo xalay Cadaado loogu sameeyay wafdiga Ra’iisul wasaaraha "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay askartii ku soo dhaawacantay dagaallada ka dhanka...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
0

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, oo uu...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay buugga tacsida ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In