Thursday, November 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay madaxda hay’adda FAO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay madaxda hay’adda FAO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii ay u wada shaqeyn buuxda u dhexmari laheyd hay’ada iyo madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka bada Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha guud iyo Madaxa Hay’ada FAO ee Soomaaliya Mr Richad.

Markii uu soo idlaaday kulankan waxaaa warbaahinta qaranka la hadlay Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka bada Soomaaliya Maxamad Cumar Ceymooy,oo sheegay in wax badan ay isla soo qaadeen mas’uuliyiinta hay’adda FAO, isla markaana ay ka wada hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac ka dhaxeeyo.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025

Dhinaca kale Wasiirka ayaa ka hadlay banaan bax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo shacabka uga cabanayeen sida la sheegay qashin lagu soo daadiyay badda Soomaaliya, waxaa uuna sheegay in ay tahay wax laga banaan baxo qof kastana ay waajib ku tahay in uu sameeyo banaan bax nuucaasi oo kale ku saabsan.

Hay’adda FAO oo Qaramada Midoobay u Qaabilsan Beeraha iyo Cunada ayaa wadda kulamo gaar gaar ah ay la qaadaneyso Wasaaradaha ay shaqadoodu quseyso sida Wasaaradda Beeraha, Wasaarada Kalluumeysiga iyo Wasarada Xanaanada xoolaha.

Previous Post

Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ka qaaten bulshada

Next Post

Ahmiyadda dib u heshiisiinta oo laga hadlay

Next Post
Ahmiyadda dib u heshiisiinta oo laga hadlay

Ahmiyadda dib u heshiisiinta oo laga hadlay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025
0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

November 13, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In