Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Baluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan oo ay wehliyaan Senator Duniyo, Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Dhamancad iyo Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee Gobolka Mudug ayaa kormeeray Xaruumaha bulshada loogu adeego ee ku yaala Magaalada Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug
Wafdigan ayaa waxa ay kormeerka ku tageen iskuulkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada JFS iyo Isbitaalada magaalada Wisil, kuwaas oo lagu dabiibo Dhaawacyada
Wasiir Axmed Xasan iyo Xildhibaan Dhamancad ayaa wadajir u sheegay in la dhisi doono Xaruumaha Danta guud oo ku yaala Wisil
Wisil oo ah Magaalo ku taalo Koonfurta Gobolka Mudug ayaa ka soo kabanaysa dhibaatadii ay khawaarijtu gaarsiiyeen dhamaadkii 2021