Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo BJFS ka hor Akriyay Sharciga hormarinta kalluumeysiga  

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo BJFS ka hor Akriyay Sharciga hormarinta kalluumeysiga  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan, ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor akriyey hadaljeedin ku saabsan sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa fadhga golaha la wadaagay faahfaahin iyo sharaax ku saabsan wax kabadalka lagu sameeyey sharciga, meelaha ugu muhiimsan ee wax laga badalay iyo sabaha keenay in wax kabadal lagu sameeyo sharcigan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiirka ayaa yiri “Sharcigii hore wuxuu ka koobnaa siddeed (8) Cutub iyo 44 qodob. Dib u habayn ka dib sharciga aan maanta ka hor aqriyey Golaha Shacabka wuxuu ka kooban yahay, afar iyo toban (14) Cutub iyo 162 qodob, taas oo muujineysa isbadalka lagu sameeyey sharcigan kaas oo aan rajeyneyno in uu daboolo baahi weyn oo loo qabo sharci nuucaan oo kale ah, dalkana siinaya sharci kalluumeysi oo dhamaystiran kana jawaabaya baahida sharci ee khayraadka kalluunka dalkeenna”

Ugu dambeyn wasiirka ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday in ay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda sharci dajin ay meelmariyaan sharcigan kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid muhiim horumarinta iyo maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliya islamarkaana dalka u horseedaya in si hufan loo maanulo Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee dalka.



Previous Post

Golaha Aqalka Sare oo kulankooda maanta ku akhriyay laba sharci oo muhiim ah

Next Post

Xarunta Qaran ee gurmadka degdegga ah oo loo magacaabay kusime Xasan Cabdulqaadir 

Next Post
Xarunta Qaran ee gurmadka degdegga ah oo loo magacaabay kusime Xasan Cabdulqaadir 

Xarunta Qaran ee gurmadka degdegga ah oo loo magacaabay kusime Xasan Cabdulqaadir 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In