Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo booqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan Talyaaniga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo booqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan Talyaaniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aadan,ayaa booqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan talyaaniga, isaga oo la kulmay duqa magaalada, Mudane Mauro Armelao iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka midawga Yurub marwo Rosanna Conte taas oo laga soo doorto deegaankan.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta uu la kulmay in Soomaaliya ay daneynegso in ay soo ceshato saxiibadeeda soojireenka ah islamarkaana ay diyaar u tahay in aqbasho maalgashi shisheeye si gaar ah dhinaca Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Marwo Rosanna Conte oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay la kulanto wasiirka Kalluumeysiga ee Soomaaliya maadaama ay tahay xildhibaan si gaar ah uga warhaya arrimaha Kalluumeysiga ee Baarlamaanka Midowga Yurub, waxa ay u sheegtay wasiirka in ay ballan qaadeyso in baarlamaanka dhexdiisa uga ololeyn doonto horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.

Duqa magaalada Chioggia Mudane Mauro Armelao oo soo xiray kulankan ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu magaaladiisa ku martiqaado wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya maadaama magaaladu ay tahay magaalo xeebeed kalluumeysiga ku horreysa.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa booqday suuqa Kalluunka iyo dekadda Kalluumeysi ee magaalada isaga oo duqa magaalada Xildhibaannada iyo duqa magaalada kala qeybgalay qado sharaf ay u sameeyeen.


Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xarunta dhexe ee IGAD 

Next Post

Somali President meets his Kenyan counterpart on the sidelines of AU Summit

Next Post
Somali President meets his Kenyan counterpart on the sidelines of AU Summit

Somali President meets his Kenyan counterpart on the sidelines of AU Summit

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In