Iyadoo dhawaan magaladda Qaahira dalka Masar ay dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ay kula saxiixdeen heshiis la xirrir in suuqyada Masar loo iib geeyo kalluunka laga soo saar baddeena, dalagga beeraha iyo xoolaha taasi oo dhiiri galinaysa ganacsatada labadda dal.
Wasiirka kallmunaysiga iyo kheyradka badda Soomaliya ayaana manta xafiiska kulan looga hadlayo sidii loogu diyaar garoobi lahaa wafdi ka socda dowladda Masar oo bishaan la filayo in uu soo garaan magalada muqdisho oo ka mid yihiin ganacsato Masari ah oo doonaya in ay la kulmaan Ganacsatadda Soomaliyeed kula qaatay guddiga is kaashatooyinka kallmaysiga gobolka bnaadir.
Mudane Maxamed Cumar Caymooy Wasiirka Kallumaysiga iyo qaraadka Badda xukumadda Federaalka Soomaliya oo warbaahinta qaranka la hadlay in kaluumaysidda Soomaliyeed ay fursad wayb u tahay in dalkeena ay yimadaan isla markaana ay la kulmaan ganacsato doonayo in iibsadaan kallumaysiga markii ugu horaysa 25 sano kadib .
“Kallunka Ma jirin meel suuq ah oo loo iib geeyo, wa markii ugu horaysay an kala hadlo dowlada masar nasiib wanaag wan isku afgaranay in ay ubahan yihiin oo ay qaadanayaan kalluunka lona dhoofiyo dalka , dowladda MAsar anaga balan qaaday in magaladda muqdisho ay usoo dirayso wafdi uu hogaminayo wasiirka beerabah kallumaysiga iyo xolaha iyo ganacsato ka ganacsada kaluunka xoolaha iyo dalaga beeraha, sidaa darteed ayaan maanta bilaabay howshii halkaa an ku soo wada galnay anaga iyo dalkaasi marka in dadkii halkaan joogay, ee wasaradayda arintaasi ka qusaysay inan ka sii wada hadalno iskuna wargalino iyo udiyaar garoga wafdigaasi “ayuu yiri wasiirka Caymoy.
Heshiiskaan dhexmaray dowladdaha Somaliya iyo masar ee laxiira dhiirigaliyo Ganacsiga labada dala ayaa ah mid xoojinayo xarirka Soo jirenka ah ka dhaxeeya labada dal, isla markaasna dhiirigelin u ah Kalluumeysatada Soomaaliyeed.