Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadantinimo iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan dhibaatooyinka la xiriira biyo la’aanta, koronto la’aanta iyo adeegyada caafimaadka, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nolosha bulshada ku nool deegaannada ay adeegyada aasaasiga ahi ku yar yihiin.
Wasiir Cabdullaahi Maxamed Daahir ayaa si gaar ah u adkeeyay baahida loo qabo in wax laga qabto baahiyaha degdegga ah ee dhinaca biyaha, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta helitaanka biyo nadiif ah oo ammaan ah, dib-u-habeynta iyo dayactirka ilaha biyaha, iyo hirgelinta mashaariic waara oo xal u noqon kara biyo yaraanta ka jirta deegaannada nugul.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la kordhiyo iskaashiga iyo isku-duwidda Wasaaradda iyo hay’adaha samafalka, si gurmad iyo taageero wax-ku-ool ah loo gaarsiiyo bulshada ay saameeyeen biyo yaraanta iyo adeeg la’aanta.
Masuuliyiinta ICRC iyo Wasaaradda ayaa kulanka ku falanqeeyay fursadaha iskaashi, mudnaanta baahiyaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada biyaha iyo tamarta, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha bani’aadantinimo ee ka jira deegaannada Galmudug.
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu horumarinayo helitaanka adeegyo biyo iyo tamar oo joogto ah, laguna taageerayo bulshada nugul ee ku nool guud ahaan deegaannada Galmudug.










