Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda Dalka iyo wafdi uu hogaaminayo Oo dalka Mozambique uga qayb galay shirka Bangiga Horumarinta Islaamka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda Dalka iyo wafdi uu hogaaminayo Oo dalka Mozambique uga qayb galay shirka Bangiga Horumarinta Islaamka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Farkeeti ayaa magaalada Maputo ee dalka Mozembiqeu uga qeyb galay shirkii sanadlaha ahaa Bangiga Horumarinta Islaamka, kaas oo ay ka soo qayb galeen in kabadan 56 wadan oo xubnaha ka ah iyo Hay’ada uu leeyahay Maal qabeenka u dhashay Maraykanka Bill Gate.

Wasiirka ayaa shirka ka jeediyey Khudbad dheer oo uga hadlayo horumarka ay Soomaaliya gaartay sanadihii la soo dhaafay iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga sameeyeen horumarka dhanka Dhaqaalaha, Siyaasada, Arrimaha Bulshada iyo Dib u dhiska dalka.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Wasiirka ayaa sheegay in Bangiga Horumarint Islaamka uu Soomaaliya ka caawiyo qaybo ay ka mid yihiin Caafimadka iyo Waxbarashada, shirkaana lagu go’aamiyey lacag gaarysa 500 milyan oo dollar oo loogu deeqay wadamada xubnaha ka ah Bangiga.

“Bangiga Horumarinta Islaamka oo xaruntiisu tahay magaalada Makah ee dalka Sacuudi Carabiya iyo Hay’ada Samafalka ee Gate Foundation ayaa isku raacay in la bixiyo lacag gaaraysa 500 Milyan oo dollar oo lagula dagaalamayo Fakhriga iyo Cudurada wadamada xubnaha ka ah Bangiga Horumarinta Islaamka, Sanduuqaan oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Bangiga iyo Hay’ada Bill Gate Foundation ayaa looga gol leeyahay in wax looga qabto saboolnimada iyo cudurada, laguna abuuro barnaamijyo lagu taageerayo Caafimaadka, Beeraha iyo  kor u qaadida nolosha dadka reer miyiga ah” ayuu yiri Wasiir Fargeeti.

Sidoo kale, Madaxweynaha Bangiga Horumarint Islaamka oo kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda Soomaalya ayaa soo dhaweeyay hormarka ay sameesay Somalia balan qadayna in uu garab istaagi doono umadda Somaliyeed sidii ay uga caawin lahaayeen dhanka Horumarka beeraha iyo kor u qaadida heerka waxbarasho ee dalka, iyo sidii gacan muuqata uga gaysan lahaayeen qaxootiga ka soo qaxaya Yemen ee soo gaaraya dalka Soomaaliya.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa ka qayb galay 40 sano guuradii ka soo wareegatay markii dalka Muzambiq uu xoriyada ka qaatay gumaystihii boortaqiiska ayaa mar uu ka qayb galay xaflada ka sheegay in dalka Soomaaliya uu gacan weyn ka qaatay sidii Mozambiqeu u heli lahayd xoriyadeeda.

“Soomaaliya waxay door muuqda ka qaadatay halgankii gobonimo doonka dalka Mozembique, waxaana tusaale u ah in wadoodoyinka muhiimka ah ee caasimada ay ugu magacdareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Bare”ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

1 3 4 5 6 7 8 9

Previous Post

Ciidamada NISA Oo Howlgal La Isugu Xirayay Dadka Shacabka Iyo Laamaha Ammaanka Ka Sameeyay Hodan

Next Post

Kaalinta bulshada iyo xoojinta ammaanka Dhageyso

Next Post
Kaalinta bulshada iyo xoojinta ammaanka  Dhageyso

Kaalinta bulshada iyo xoojinta ammaanka Dhageyso

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In