Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo Daah Furay Mashruuc Lagu Dhisayo Habka Maamulka Maaliyadda ee Ciidamada Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo Daah Furay Mashruuc Lagu Dhisayo Habka Maamulka Maaliyadda ee Ciidamada Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 29, Sept, 2016….Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta daah furay mashruuca daahfurnaanta maamulka maaliyadda ee dhanka Ciidanka Qaranku oo socon doono mudo laba bilood ah, kaas oo lagu tayeeynayo mushaaraadka ciidanka qaranka si ay u helaan xuquuqdooda waqti cayiman,

Shirka lagu daah furayey mashruucaan cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga Gen; Cabdulqdir Cali Diini, Khubaro ka socotay Wasaarada Amniga Qaranka, Saraakiil ka socotay midowga yurub oo tababarta ciidanaka, iyo Saraakiil AMISOM.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Ugu horeyntii Wasiirka Maaliyadda mudane Farkeeti ayaa  sheegay in dowladu ay ku guulaysatay in shaqaalaha dowladda ay mushaarkoodu ugu dhacaan xisaabaha uga furan Bangiyada, maantana aan daahfurayno mashrucaana kaas la mid ah oo lagu tayeeynayo in ciidanka qaranka loo sameeyo hab u sahlaya in mushaarkooda ku helaan waqti cayiman.

“Ciidnakeenu waxay safka hore uga jiraan dagaal ay kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab, waxayna u taagan yihiin xaqiijinta Amniga, Waxaa ka dowalad ahaan waajib nagu ah in aan ka taxadarno bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan, uuna noqdana mid si joogta ah loo helo, taa marka la suurtagalinayo waa in la helo qaab ku salaysan isla xisaabtan iyo hufnaan lagu bixiyo mushaaraadka ciidanka”

Wasiirka Maaliyadda oo sii hadlayey ayaa yiri“ “Miisaaniyadda dowaladda 45% waxay ku baxdaa Ciidamadda kala duwan, mashruucaana wuxuu noo sahlayaa bixinta mushaaraadka iyo gunooyinka ciidanka, waxaana hada aad u adag qaabka loo gaarisiyo ciidamada, iyadoo lagu qaado diyaarado si lo gaarisiiyo ciidamada ku kala firirsan goboladda dalka. Bilaha soo socda dowladdu waxay fulin doontaa in isbadal balaarn lagu sameeyo qaabka bixinta mushaaraadka iyadoo la isticmaalayo hab cusub oo sahlaya in mushaarka isla markiba uu helo askariga xaqa u leh, isagoo jooga goobta uu shaqada qaran ka hayo, wuxuuna mashruucaan cusub meesha ka saarayaa musuq maasuqa, waxayna dowladdu awoodo u yeelanaysaa in deeqaha mushaaraadka ee caalamku bixiyo loo isticmaalo hab ku dhisan isla xisaabtan”

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandgiga Cabdulqadir Sheikh Cali Diini ayaa sheegay in mashruucaan hada lagu bilaabyaa Ciidamada Qaranka ayna ku xigi doonaan ciidaamda kala duwan ee dowladda,

“Mashruucaan wuxuu naga caawinayaa in meesha laga saaro lacagtii cadaanka ahayd ee loo qaadi jiray ciidamada furimaha ku jira,wuxuuna bilow fiican u yahay sidii ciidanka qaranku ay u heli lahayeen xuquuqdooda xili cayiman, dhinaceena waxaan balan qaadanynaa inaan u muujino wada shaqyan joogta ah hay’ada fulinaysa barnaamijkaan, mushraacaana wuxuu ka qayb qaadanayaa dhisimaha guud ee aan ku wadno ciidanka qaranka” ayuu yiri Wasiir Diini.

Barnaamijkaan dhaqaalaha ku baxaya waxaa ku deeqay UKaid iyo Midowga Yurub, wuxuuna qayb ka yahay dadaal balaaran oo loogu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa hanaanka dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kukala firirsan goboladda dalka si loogu sameeyo maamul mushaar oo ku dhisan isla xisaabtan iyo hufnaan.

IMG_2917 IMG_2931 IMG_2942 IMG_2953 IMG_2954 IMG_2958 IMG_2960 MOF (4)

 

 

 

Previous Post

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ku dhuumaleysanayay deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose

Next Post

Golaha Wasiirada oo war-murtiyeed ka soo saaray duqeyntii Gaalkacyo+

Next Post
Golaha Wasiirada oo war-murtiyeed ka soo saaray duqeyntii Gaalkacyo+

Golaha Wasiirada oo war-murtiyeed ka soo saaray duqeyntii Gaalkacyo+

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In