Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo Daah Furay Mashruuc Lagu Dhisayo Habka Maamulka Maaliyadda ee Ciidamada Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo Daah Furay Mashruuc Lagu Dhisayo Habka Maamulka Maaliyadda ee Ciidamada Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 29, Sept, 2016….Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta daah furay mashruuca daahfurnaanta maamulka maaliyadda ee dhanka Ciidanka Qaranku oo socon doono mudo laba bilood ah, kaas oo lagu tayeeynayo mushaaraadka ciidanka qaranka si ay u helaan xuquuqdooda waqti cayiman,

Shirka lagu daah furayey mashruucaan cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga Gen; Cabdulqdir Cali Diini, Khubaro ka socotay Wasaarada Amniga Qaranka, Saraakiil ka socotay midowga yurub oo tababarta ciidanaka, iyo Saraakiil AMISOM.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Ugu horeyntii Wasiirka Maaliyadda mudane Farkeeti ayaa  sheegay in dowladu ay ku guulaysatay in shaqaalaha dowladda ay mushaarkoodu ugu dhacaan xisaabaha uga furan Bangiyada, maantana aan daahfurayno mashrucaana kaas la mid ah oo lagu tayeeynayo in ciidanka qaranka loo sameeyo hab u sahlaya in mushaarkooda ku helaan waqti cayiman.

“Ciidnakeenu waxay safka hore uga jiraan dagaal ay kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab, waxayna u taagan yihiin xaqiijinta Amniga, Waxaa ka dowalad ahaan waajib nagu ah in aan ka taxadarno bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan, uuna noqdana mid si joogta ah loo helo, taa marka la suurtagalinayo waa in la helo qaab ku salaysan isla xisaabtan iyo hufnaan lagu bixiyo mushaaraadka ciidanka”

Wasiirka Maaliyadda oo sii hadlayey ayaa yiri“ “Miisaaniyadda dowaladda 45% waxay ku baxdaa Ciidamadda kala duwan, mashruucaana wuxuu noo sahlayaa bixinta mushaaraadka iyo gunooyinka ciidanka, waxaana hada aad u adag qaabka loo gaarisiyo ciidamada, iyadoo lagu qaado diyaarado si lo gaarisiiyo ciidamada ku kala firirsan goboladda dalka. Bilaha soo socda dowladdu waxay fulin doontaa in isbadal balaarn lagu sameeyo qaabka bixinta mushaaraadka iyadoo la isticmaalayo hab cusub oo sahlaya in mushaarka isla markiba uu helo askariga xaqa u leh, isagoo jooga goobta uu shaqada qaran ka hayo, wuxuuna mashruucaan cusub meesha ka saarayaa musuq maasuqa, waxayna dowladdu awoodo u yeelanaysaa in deeqaha mushaaraadka ee caalamku bixiyo loo isticmaalo hab ku dhisan isla xisaabtan”

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandgiga Cabdulqadir Sheikh Cali Diini ayaa sheegay in mashruucaan hada lagu bilaabyaa Ciidamada Qaranka ayna ku xigi doonaan ciidaamda kala duwan ee dowladda,

“Mashruucaan wuxuu naga caawinayaa in meesha laga saaro lacagtii cadaanka ahayd ee loo qaadi jiray ciidamada furimaha ku jira,wuxuuna bilow fiican u yahay sidii ciidanka qaranku ay u heli lahayeen xuquuqdooda xili cayiman, dhinaceena waxaan balan qaadanynaa inaan u muujino wada shaqyan joogta ah hay’ada fulinaysa barnaamijkaan, mushraacaana wuxuu ka qayb qaadanayaa dhisimaha guud ee aan ku wadno ciidanka qaranka” ayuu yiri Wasiir Diini.

Barnaamijkaan dhaqaalaha ku baxaya waxaa ku deeqay UKaid iyo Midowga Yurub, wuxuuna qayb ka yahay dadaal balaaran oo loogu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa hanaanka dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kukala firirsan goboladda dalka si loogu sameeyo maamul mushaar oo ku dhisan isla xisaabtan iyo hufnaan.

IMG_2917 IMG_2931 IMG_2942 IMG_2953 IMG_2954 IMG_2958 IMG_2960 MOF (4)

Previous Post

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ku dhuumaleysanayay deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose

Next Post

Golaha Wasiirada oo war-murtiyeed ka soo saaray duqeyntii Gaalkacyo+

Next Post
Golaha Wasiirada oo war-murtiyeed ka soo saaray duqeyntii Gaalkacyo+

Golaha Wasiirada oo war-murtiyeed ka soo saaray duqeyntii Gaalkacyo+

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In