Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda: shaqsi mudan in lagu daydo.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda: shaqsi mudan in lagu daydo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa qasab in dowlad kasta ay ku shaqeyso nidaam iyo barnaamij Maaliyadeed oo aasaas u ah  dhaqaalaha ka soo xerooda bulshada iyo lacagaha kale ee laga  helo hirgalinta mashaariicda  horumarineed oo ay la wadaagaan dalalka daneeya ama saaxiibka dhow la ah dowladahaasi.

Dowladnimada Soomaaliyeed  ee xilligaan ,waa mid ku dhalatay   rabitaanka bulshada,kuna  guuleystay in ay diyaariyaan isla markaana soo bandhigaan barnaamij maaliyadeed oo keeni kara in dadku ay la socdaan dhaqalaha dowladda ee dhinaca gudaha iyo dibadda ,si ay meesha uga baxdo tuhunada la xiriira wax isdaba-marin iyo lunsasho habti umadeed.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

March 7, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

March 7, 2026

Hannaanka Maaliyadda ee la qorsheeyay waqtigaan ayaa suurtogeliyay in ay soo baxaan koror dhaqaale,gaar ahaan bilihii u dambeeyay sanadkaan ee Marso iyo April,waxaana arimahaasi keenay hagaajinta nidaamka loo qaado dakhliga.

Maamulka Wasaaradda Maaliyadda oo uu hor-boodayo Wasiir Beyle ayaa u muuqda kuwo ka dhabeeyay dadaalkii iyo waxqabadkii ahaa in lala yimaado howlkarnimo iyo isla xisaabtan dhab ah oo xilligaan horseeda kalsooni ay bulshadu ku qabto xukuumadda J.F.Soomaaliya.

Howlaha  baaxadda leh ee ay wadaan  Wasaaradda Maaliyadda,gaar ahaan dhinaca kororka dhaqaalaha  ayaa loo arkaa  mid suuragalinaya in dalku uu ka taxadiro qaadashada lacago deyn ah ,waxaaana la rajeynayaa in la bilaabo ururinta canshuuro badan oo weli baaqi ku ah gacanta dadweynaha.

Si loo helo koboc dhaqaale oo inta hadda la hayo ka badan waa in hey’adaha dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed oo wadajir ah ay u istaagaan sidii Wasaaradda Maaliyadda gacan looga siin lahaa gudashada howlaha baaxadda leh ee ku aadan hagaajinta iyo ururinta lacagaha canshuuraha ee dalka.

Waxaa dhab ah in xukuumadda Soomaaliya  ay xil iska saartay sidii loo heli lahaa dakhli sax ah oo salka ku haya caafimaad-qabka ururinta canshuuraha dalka, sidaa daraadeed dowladda Soomaaliya waxa ay heysataa fursad qaali ah oo aan soo marin kuwii ka horeeyay

Xukuumad daacad  ah oo diyaar u ah in lala qeybsado dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee loogu adeegayo umadda,waxa ay dhiirigelin kartaa isla Xisaabtan dhab ah oo salka ku haya ogaanshaha hannaanka Maaliyadeed ee dalka ,iyadoo ay lama huraan tahay in dadweynuhu  ay helaan  ama la socdaan halka ay ku baxayaan lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado iyo in la mariyay dhaqaalahaasi meeshii saxda aheyd ee loogu talagalay

Hadii dakhliga gudaha loo ururiyo si nidaam ah,isla markaana loo maamulo si daacad ah oo ay ku dheehan taahay alla ka cabsi waxaa aamin sanahay in la qaadan karo shaqqaalaha dhimman ee dulsaarka ku ah wasaaradaha,isla markaana mudada sanad iyo barka ah sugaya gacanta dowladda.

Ugu dambeyntii dalku waxa uu u baahan yahay shaqsiyaad  daacad ah oo ka shaqeeya danta umadda ,sida Wasiirka Maaliyadda ,balse uma baahna mid ka shaqeysta ama ku takrifala hantida umadda.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis+Sawirro)

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta kormeeray Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska +Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta kormeeray Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska +Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta kormeeray Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska +Sawirro

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa furey Mashruucan oo ay ka faa’iideysan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

March 7, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta booqasho shaqo ku...

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In