Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 22, 2020
in Caalamka, Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa sharaf ii ah in aan ka qeyb galo shir ay guddoominaysay Agaasimaha guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka Kristalina Georgieva oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Caalamka iyo Maamulayaasha Bangiyada Dowliga ah.

Halka hoose waxa aad ka akhrisan kartaan khudbaddii aan u jeediyay ka qeybgalayaasha shirka.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Khudbada Mudane. Dr. Abdirahman D. Beileh

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Shirka Agaasimaha Guud ee IMF, Wasiiradda Maaliyadda iyo Guddoomiyeyaasha Bangiga Dhexe ee dalalka MENAP

Ka hortaga safmareenka Covid-19 ee Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya: U kuurgalida Dhaqaalaha Gobolka

Marwo, Kristalina Georgieva, Agaasimaha Guud, ee IMF, Guddoomiyeyaasha Bangiga sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf weyn ayay ii tahay in aan ka qeyb-galo kulankaan taariikhiga ah ee dhanka khadka internet-ka ah (Video teleconference), kaas oo diiradda lagu saaray arrinta hadda taagan oo ah cudurka Covid-19. Waxaan doonayaa in aan fursadaan uga faa’iideysto in aan kaaga mahadceliyo Marwo, Agaasimaha Guud, ee IMF iyo hawlwadeenada hawlkarka ah taageeradaada aan kala go`a lahayn ee aad la garab taagan tihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah Hey’adda IMF,si gaar ah dalalka aadka u nugul si ay u yareeyaan waxyeelada saameynta leh ee Corona Fayras.

Waxaan sidoo kale doonayaa in aan u mahadceliyo anniga oo  adiga kuu sii marinaya dhammaan dalalka qaybta ka ah Sanduuqa Lacagta ee sida wanaagsan uga jawaabay baaqeennii deyn cafinta, iyada oo dhammaan Hey’addaha Maaliyadda dunida oo ay IMF ku jirto  iyaga oo lacagtooda adeegsanaya Soomaaliya siiyeen fursad ay horay ugu socon karto kaddib geedi socod dheer oo guul ku dhammaaday kaas oo ay dusha ka hageysay nidaamka la socodka shaqaalaha ee Hey’adda IMF (Staff Monitoring Program).

Soomaaliya waxay wajaheysa caqabad, sida dunida kale, oo la tacaaleysa cudurka Covid-19. Waxa uu cudurku saameeyay dalkeenna iyo dadkeenna dhinacyo kala duwan kuwaas oo halis ku ah hormarkeenna dhaqaale, si gaar ah, caafimaadka iyo qaab nololeedka inta ugu jilicsan bulshada.

Dowladda  Federaalka Soomaaliya, sida dalalka kale ee xubnaha ka ah Hey’adda IMF waxay mudnaanta koowaad siisay nabadgalayda iyo badqabka dadkeeda iyada oo dhaqangalisay siyaasado lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa isla markaana lagu lagu yareynayo faafitaanka cudurkaan dilaaga ah. Taasi waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

  • Wax soo saarkii oo hoos u dhacay maadaama uu yaraaday waxyaabaha la soo saaro iyo adeegyada taas oo sidoo kale keentay in ay yaraato canshuurtii laga heli jiray wax soo saarkaas.
  • Waxaa hoos u dhac ku yimid alaabadii iyo adeegyadii dibadda laga keeni jiray taas oo keentay in uu yaraado dakhligii soo gali jiray furdooyinka (Customs) iyo canshuurtii baddeecada dibadda laga keeno.
  • Shaqo la’aanta oo korortay gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhaqaalaha aan rasmiga ahayn, waxayna taageeridda dadkaas jilicsan u baahan tahay tallaabooyin ay dowladda Federaalku qaaddo.
  • Lacagta xawilaadaha ayaa kaalin weyn ka ciyaara dhaqaalaha Soomaaliya waana tirade ugu badan ee qoysaska iyo shakhsiyaadka Soomaaliya ku nool ay ku tiirsan yihiin. Dhibaatada shaqo la’aan ee uu sababay cudurkaan Covid 19 iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee dunida ayaa saameeyay shaqada qurbo joogta, taas oo hoos u dhigtay kaalmadoodii.

Arrinta xawilaadaha iyo soo dirista lacagta dibadaha ee Soomaaliya waxaa mar kale sii adkeeyay jiritaan la’aanta ah in uusan jirin nidaam bangi oo wakiilo dibbada uga ah xawilaadaha Soomaalida oo u fududeeyo kala gudbinta lacagahooda ganacsiga ee dibadda iyo gudaha Soomaaliya (Correspondent Banking). Waqtigaan oo duulimaadyaadii dunida la xadiday, dhaqdhaqaaqiina uu yaryahay way ku adag tahay shirkadaha xawilaadaha Soomaalida iyo ganacsadatadaba in ay dhaqaalahooda socod siiyaan si ay u maalgaliyaan hawlaha muhiimka u ah dhaqaalaha calaamka . Tani waxay dhaawaceysa dhaqaalaha Soomaaliya.

Sida ku cad waxyaabaha aan soo sheegay cudurka safmarka ah ee Covid 19 waxa uu Soomaaliya u saameeyay si aan horay loo arag. Sida dalalka kale, waxaan wajaheynyaa xaalad aan kala caddeyn, waxaa se naga go`an in aa sii wadno iskaashiga dadkeenna, bahwadaagta caalamiga ah iyo Hey’adaha Maaliyadeed ee dunida si aan u xaqiijino  dhimista  saameeynta waxyeello ee cudurka Corona, innaga oo qorsheynayna mustaqbal kawanaagsan iyo deganaasho ka badan midkaan.

Sidaas darteed, waxaan si dhow u la shaqeyneynaa hawlwadeenada IMF ee Soomaaliya si loo soo afjaro saameynta guud ee cudurka Corona uu ku yeeshay Miisaaniyadda sannadka 2020-2021. Taasi waxay si sax in noogu sheegi doontaa halka aan taaganahay dhaqaale ahaan iyo waxa aan u baahanahay si aan horay ugu soconno.

Marwo Maamulaha Guud, Kristalina Georgieva, ee IMF, waxaan mar labaad, kaaga mahadcelinayaa taageeradaada joogtada ah iyo waliba hoggaamintaada dhiirran xilligaan lagu jiro waqtiga adag.Waa hubanti, in aan kuu ognahay dadaalkaaga, waana ku garab taaganahay.

Waa mahadsan tihiin.

DHAMMAAD

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyay geerida Jeneraal Cabdi Macalin

Next Post

Ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti oo ka tacsiyadeeyay Xildhibaan ku geeriyooday dalkaas

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule

Ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti oo ka tacsiyadeeyay Xildhibaan ku geeriyooday dalkaas

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In