Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea uga qeyb galay shirkii Bankiga horumarinta Afrika oo uu ku matalayay Soomaaliya, kaa soo looga hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga Afrika.
Shirka kaddib waxa uu la kulmay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, waxaana uu warbixin ka siiyay marxalada dhaqaale ee Soomaaliya iyo horumarka ay sameynayso.
Wareysi uu Siiyay TV CNBC oo ka hadla arrimaha ganacsiga ayuu ku faahfaahiyay waxyaabaha Soomaaliya ku soo bandhigtay shirka si gaar ah fursadaha dhaqaalaha iyo maalgashiga ee horyaala
“Marka koowaad waxaan u sheegnay inaan leenahay kheyraad badan, waxaan leenahay xeebta ugu dheer Afrika. waxay ii sheegeen inaan haysato mid ka mid kalluunka ugu wanaagsan ee ku jira badaha, waxaan u sheegnay inaan aad qani ugu nahay saliida iyo gaaska bilaha ka hor Soomaaliya waxay noqotay mid ka mid ah dalalka ugu badan ee shidaal ku jiro, waan ka shaqaynaynaa dabcan, marka koowaad waa inaan xaqiijinaa ammaanka, midda sadaxaad waxa weeye Soomaaliya waa ay burburtay waxwalba waxay ka bilaabanayaan meel hoose oo ay tahay in dib loo dhiso marka waxa yaala fursado badan”
Wasiir Belye waxaa uu sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay in la maalgashado albaabadeeduna ay furan yihiin=.
“Diyaar beynu nahay, albaabadeenu waa ay u furan yihiin caalamka oo idil gaar ahaan ganacsatada raadinaya meel ay maalgashadaan, waa Soomaaliya halka ku haboon waayo meelaha aad magacaawdeen waan haysanaa kheyraadkooda waxaan ka shaqeynaynaa ammaanka iyo waxaan sameynaynaa shuruucdii aan idinku soo dhaweyn laheen.”