Tuesday, October 3, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda Soomaliya oo soo dhaweeyay go’aannada ka soo baxay hay’adda lacagta adduunka iyo bangiga horumarinta Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 26, 2020
in Wararka
0
Shirka arrimaha Maaliyadda oo ka furmaya Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay waxa uu soo dhaweeyay go’aanada wax ku oolka ah ee ka soo baxay hay’adda lacagta adduunka IMF iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deynta Soomaaliya

“Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hadalkiisa ku daray “Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray kulanka diyaarinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray kulanka diyaarinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta

October 2, 2023
R/W Xamsa iyo Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada Marxuum Cali Ugaas

R/W Xamsa iyo Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada Marxuum Cali Ugaas

October 2, 2023

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in hay’adaha kale iyo dalalka Soomaaliya deymaha ku leh inay ku dhawaaqaan go’anno la mid ah kuwan oo kale.

Barnaamijka wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayaa socday saddexdii sanno ee la soo dhaafay, waxaana haatan uu marayaa heer go’aanno laga gaaro deyn cafinta Soomaaliya, taasi oo Soomaaliya u horseedeyso inay dib u hesho xiriirka dhaqaalaha caalamiga ah iyo maalgelin horseedo kobaca dhaqaalaha iyo yareynta faqriga.

 

 

Previous Post

Hey’adda lacagta aduunka oo ku dhawaaqday hannaanka taariikhiga ah ee Soomaaliya looga cafinayo daymaha

Next Post

Biyo la’aan ka jirta Garbahaarey

Next Post
Biyo la’aan ka jirta Garbahaarey

Biyo la'aan ka jirta Garbahaarey

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray kulanka diyaarinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray kulanka diyaarinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta

October 2, 2023
0

Kulankan oo magaalada Muqdisho ka socday labadii maalin ee la soo dhaafay waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

R/W Xamsa iyo Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada Marxuum Cali Ugaas

R/W Xamsa iyo Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada Marxuum Cali Ugaas

October 2, 2023
0

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay wajiga labaad ee shirka midaynta farriimaha Dowladda, D.Gobaleedyada

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay wajiga labaad ee shirka midaynta farriimaha Dowladda, D.Gobaleedyada

October 2, 2023
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Magaalada Muqdisho ka daah furay wajiga 2-aad...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya 

October 2, 2023
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee  Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In