Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda lacagta aduunka oo ku dhawaaqday hannaanka taariikhiga ah ee Soomaaliya looga cafinayo daymaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Lacagta Adduunka oo shaacisay in maareeynta Maaliyadda Soomaaliya horumar laga gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha fulinta hey’adda lacagta aduunka IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in hey’adoodu heshay lacag ku filan oo lagu bixin karo deynta Soomaaliya lagu leeyahay, Boqol dal ka badan ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka bixinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

Kristalina Georgieva ayaa tiri “100 xubnood oo ka.mid dalalka ku bahoobay hey’adda ay ansixiyeen 334 milyan oo doolar oo lagu maalgalinayo dayn cafinta Soomaaliya, mar alaala iyo marka la helo lacagahani waxaa loo gudbiyaa cafinta daymaha, maalgalintani waxay gaarsiinaysaa hal abuurka dayn dhaafka wadamada faqriga ah, sidookale wadiiqadani waxay albaabka u furaysa dhaqaale hor leh oo lagu taageerayo Soomaaliya.”

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Agaasime Kristalina Georgieva waxay ku dartay “Go’aanka maalgalinta ee maanta waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya u abuuraya fursad ay hore ugu socoto hanaankan, Hey’adda lacagta aduunka iyo beesha caalamka, waxaa naga go’an inaan taageerno soo kabashada Soomaaliya kaddib waqti dheer oo colaadi ay ku jirtay.

Agaasimaha hey’adda lacagta adduunka ayaa u mahadcelisay wadamada xubnaha ka ah hey’adda ee ansixiyay dhaqaalahaan, waxaa kale oo ay qirtay dadaalka wada shaqeeneed wadamada iyo hay’adaha lacagaha ku leh Soomaliaya sida Bangiga aduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub, kooxda Paris iyo wadamada kale ee qeybta ka ah.

“Tani waxay hoosta ka xariiqaysaa aqoonsiga xubnaheena ee sida ay Soomaaliya xoogga u galisay ka go’naanteeda dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaheeda maaliyadda xili ay Soomaaliya ku jirtay marxalad adag oo caqabado ku wajahan yihiin, Soomaaliya waxay talaabo u qaaday soo xeridda bogga dayn cafinta iyo gaarida barta go’aan qaadashada, waxay awoodi doontaa hannaankaan kadib horumar dhaqaale oo ay ku jirto yaraynta faqriga.” Ayay hadalkeeda ku dartay Kristalina Georgieva.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay soo dhaweeyay go’aanada wax ku oolka ah ee ka soo baxay hay’adda lacagta adduunka.

Previous Post

Bangiga Horumarinta Afrika oo go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deynta Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaliya oo soo dhaweeyay go’aannada ka soo baxay hay’adda lacagta adduunka iyo bangiga horumarinta Afrika

Next Post
Shirka arrimaha Maaliyadda oo ka furmaya Kismaayo

Wasiirka Maaliyadda Soomaliya oo soo dhaweeyay go’aannada ka soo baxay hay’adda lacagta adduunka iyo bangiga horumarinta Afrika

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In