Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga qayb galay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika, waxaana si buuxda uga soo qayb galay Wasiirada Maaliyadda dalalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, South Sudan, Uganda iyo Ethiopia.
Shirkan ayaa si qota dheer loogu lafa guray horumarada ay dalalkani ka gaareen arrimaha Maaliyadda iyo horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, iyagoo si buuxa isula qaatay fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaarka ah ee bulshooyinka ku dhaqan dalalka ku kulma shirkan.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkan ayaa si diiraan loo soo dhaweeyey, wuxuuna jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay mudnaanta ay Dawladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda dalka Ethiopia Mudane Axmed Shide oo ah Guddoomiyaha Sanadkan ee shirka iyo dhamaan Wasiirada Maaliyadda dalalka ka qayb galay shirkan ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku boogadiyay heerka wanaagsan ee ay ka gaartay hannaanka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF, Wasiir Biixi ayaa sidoo kale caddeeyey in Soomaaliya ay sii xoojinayso iskaashiga arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha ee ay la leedahay dalalka Geeska Africa.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan oo kaashanaya dhamaan madaxda iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa muuqata inuu dedaal xoogan ugu jiro tayaynta iyo turxaan bixinta arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha Qaranka, sidoo kale wuxuu saaxiibada Soomaaliya ku adkeeyey inay laba jibbaaraan garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyey Wasiirku in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhankeeda sii xoojiynayso iskaashiga ay la leedahay caalamka intiisa kale.