Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo guddoomiyey kulanka horumarinta dhaqaalaha dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo guddoomiyey kulanka horumarinta dhaqaalaha dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa maanta shir muhiim ah uu uga furmay magaalada İstanbul ee dalka Turkiga, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hoggaan u ah hey’adaha kale ee Dowladda ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ee wadashaqeynta maaliyadeed la leh Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo uu si rasmi u furay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxaa diiradda loogu saarayaa dib-u-eegista wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo casriyeynta ilaha dhaqaalaha Dowladda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay qaadayaan tilaabo Dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya uu mudnaan gaar ah siinaya sare u qaadidda dakhliga Dowladda oo horseed u noqon kara isku filnaan dhaqaale.

IMF iyo Bangiga Adduunka oo ah laba hey’ad oo si dhaw ula shaqeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan hey’adaha kale ee Dowladda Soomaaliya ayaa warbixinno ka dhageysanaya qeybaha kala duwan ee shirka ka soo qeybgalay, sidoo kale quburada ka socota IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa dhankooda soo bandhigaya fikirada horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo haatan sameynaya sare u kac balaaran.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Batroolka, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya shirka Golaha Guud ee QM

Next Post

Taliyaha Booliska oo safar shaqo ku tegay Mareykanka

Next Post
Taliyaha Booliska oo safar shaqo ku tegay Mareykanka

Taliyaha Booliska oo safar shaqo ku tegay Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In