Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixayay shirkii ugu soo gabagaboobay dalka Marocco 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixayay shirkii ugu soo gabagaboobay dalka Marocco 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyey shirka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika, kaas oo lagu soo gabagabeeyat Magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Shirkaan ayaa Soomaaliya waxaa ku matalayey wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iiman Cige,  iyada oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubno ka kala socday Xafiiska Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Wasiir Bixi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in bartamaha bisha December ee sanadkaan in lagu dhawaaqi doona, in Soomaaliya laga cafiyey deyntii lagu lahaa. Isaga oo arrintaas ka hadlay waxa uu yiri,

“Sanadkaan dabayqaadadiis, waxaa lagu dhawaaqi doonaa in Soomaaliya laga cafiyey deyntii, guddiga sare ee Bangiga iyo Hay’adda IMF markii ay wada fadhiistaan in ay ku dhawaaqaan in Soomaaliya ku guuleysatay Barnaamijkii deyn cafiska.”

Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal ka jeediyay Shirkaan Agaasimaha Guud ee IMF, Bangiga  Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka ay saameeyeen Colaadaha iyo Dhaqaalo yarida, shirkaas oo qeyb ka ah kulanka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xal ku jaan go’an sinaan marka ay jiraan xaaladaha gaarka ah, waxa uu intaa ku daray in ay haboon tahay in la tixgaliyo talooyinka iyo waxa uu dal walbo u arko in xalkiisa uu ku jiro.

Dowladda Soomaaliya ayaa da’daal badan ku bixisay.sidii loo tayeen lahaa arrimaha Maaliyadda dalka iyo sidii loogu guuleysan lahaa Den cafinta soomaaliya.

Previous Post

Somalia Launches Modern Governance Strategic Direction Program

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse; “Waxaa muhiim ah in aan ka baxno duruufaha iyo maraxaladihii hore u jiray ee caqabadda ku ahaa dowladnimadeenna iyo horumarka dadkeenna”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse; “Waxaa muhiim ah in aan ka baxno duruufaha iyo maraxaladihii hore u jiray ee caqabadda ku ahaa dowladnimadeenna iyo horumarka dadkeenna”

Ra’iisul Wasaare Xamse; “Waxaa muhiim ah in aan ka baxno duruufaha iyo maraxaladihii hore u jiray ee caqabadda ku ahaa dowladnimadeenna iyo horumarka dadkeenna”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In