Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda uga qayb galay Dalka Kuwait

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda uga qayb galay Dalka Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Aprili 8, 2015…Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee DFS, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa  gaaray Magaalada Kuwait ee Dalka Kuwait, halkaas oo uga qeyb galay shirka  sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda wadamada  Carabta, kaas oo soconayay  muddo labo cisho ah.  Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa  Garoonka  ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait, Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheekh iyo Masu’uuliyiin kale ee ka socday Hay’adaha Maaliyadda ee Carabta.

Shirkan oo soconayay muddo  laba cisho ah waxaa looga hadlay laba ajande oo kala ah, sidii wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay isaga kaashan lahaayeen fududaynta Canshuuraha bedeecadaha isaga goosha wadama Carabta iyo in wadamada Xubanha ka ah Jaamacadda Carabta ay is-dhaafsi Khibradeed uga sameysan lahaayeen arrimaha la xiriira Canshuuraha Badeecadaha.

Related posts

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

July 4, 2026
Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

July 4, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti), oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in  Soomaaliya  ay horumar la taaban karo ka sameysay dhanka Maaliyadda sanadihii ugu danbeeyay, isla markaana dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan horumarinta Adeegyada Maaliyadda ee Soomaaliya si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay kamid tahay.

“Waxaan dhaqan-gelinay qaab isla xisaabtanka maaliyadda oo hufan, waayo tani waxay naga saacidaysaa hagaajinta dhanka Maaliyadda oo sanadihii danbe dib usoo kabanayay, waxayna dhanka kale kalsooni weyn siinaysa deeq-bixiyeyaasha iyo shirkadaha doonaya inay maal-gashadaan Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Aaden Ibrahim.

Gaba-gabedii shirka ayaa waxaa la isku raacay laba arimood oo kala ah in la sii xoojiyo iskaashiga Maaliyadeed ee ka dhaxeeya Wadamada Carabta iyo sidoo kale in xubnaha ka midka ah Hay’adahaan ay kordhiyaan qoondada Maaliyadeed ee ay hadda ku deeqaan Sanduuqyada Lacagta.

—DHAMAAD—

IMG_1337 IMG_1347 IMG_1357 ZUR_0073 (1) ZUR_0344 (1)

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti "Sawirro"

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

July 4, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan...

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:Munaasabadda sanad guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026
0

RADIO MUDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In