Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maareynta Musiiboyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdinasir Cabdi Caruush oo ay qeyb ka ahayeen Madax ka socotay Hay”adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan WFP ayaa gaaray magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Ujeedka ay Xudur ku gaareen wafuudan ayaa ahaa sidii Deeq Rashiin ah ay u siin lahayeen Dadka danyarta ah ee ku nool Degmada Xudur, waxayna Deeqda ay Garsiyeen in ka badan labo kun oo Qoys oo ku nool Xudur.
Wafdiga ayaa intaas kaddib waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareem ) waxayna kala hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada la siinayo qoysaska danyarta ah.
Kulanka Madaxweynaha ay la qaateen waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maareynta Musiiboyinka ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamza Saciid Xamza waxaana uu kulanka kuso dhamaaday mid la isku raacay sidii wax loogu qaban laahaa dadka danyarta ah ee ku nool guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.