Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 8, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Isniinta maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz.

Wasiir Sadiiq Warfaa oo uu waheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa wada-hadal la yeeshay safiirka dowladda Turkiga, ayada oo wada-hadallada diiradda lagu saaray heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan Wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota Wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq.

Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay safiirka dowladda Turkiga dedaallada socda ee la xiriira harumarinta Shaqaalaha, taaso uu sheegay in lagu gaarayo helista shaqaalo xirfad wanagsan u leh howl fulinta Qaranka, waxaana uu boggaadiyay garab istaaga dowladda iyo bulshada Turkiga ee Soomaaliya, isagoo marka sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go’antahay xiriirka wanaagsan ee labada dal in ay uga faa’iideysato sidii dalka uu mar kale usoo kaban lahaa.

“Farriinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee an ku howlgalno ayaa ah in Qarankan loogu shaqeeyo sidii uu markale cagihiisa ugu istaagi lahaa, Turkigana wuxuu ka mid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd.” ayuu ku daray Wasiir Sadiiq.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa caddeeyay dowladda Turkiga inay saxiixday heshiiska is afgaradka oo marka uu ka soo dhammaado dhinaca dowladda Soomaaliya la guda-gali doono fulintiisa, waxa uuna inta ku daray dowladda Turkiga inay dedaal badan gelinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, arrimahaa oo uu sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.

Danjire Mehmet Yılmaz  ayaa sidoo kale ku dhiirrigaliyay Wasiirka iyo howl-wadeennada kale ee Wasaaradda howlaha ay u hayaan dalka, wuxuuna markale u xaqiijiyay Turkiga inuu garab taaganyahay bulshada iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wada-hadallada ayaa marka ay soo dhammaadeen , waxaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo safiirka dowladda Turkiga ay si wadajir ah u kormeereen qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradda, waxaana dhismayaasha qaar laga arkayay raadadkii ay ku reebeen weerar argagixiso oo Wasaaradda ka dhacay dabayaaqadii bishii Maarso, waxaana Wasiirka uu u caddeeyay safiirka inaysan ku niyad-jabin oo si isxilqaan ah ku dhiseen qeybo muhiim u ah Wasaaradda ,howlaheedunna ay si joogta ah u socdaan.

 

Previous Post

Wasiirka Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas ku nool Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Mogadishu Mayor begins a campaign to strengthen social cohesion through sports and community engagement for displacement-affected communities.

Next Post
Mogadishu Mayor begins a campaign to strengthen social cohesion through sports and community engagement for displacement-affected communities.

Mogadishu Mayor begins a campaign to strengthen social cohesion through sports and community engagement for displacement-affected communities.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In