Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena ayaa maanta la kulmay Waaxda Dhiiragelinta Maalgashiga oo soo bandhigtay qorshe-howleedka sanadka 2023 kaasoo waafaqsan qorshaha istiraatijiyadeed ee waaxda iyo waajibaadka shaqo ee Wasaaradda.
Qorshuhu wuxuu diiradda saarayaa dhisidda Hay’adda Dhiiragelinta Maalgashiga, dib-u-habaynta hannaanka Maalgashiga , tayaynta hay’ada iyo kordhinta Maalgashiga Shisheeye ee tooska ah ee Soomaaliya.
Qorshuhu waxa uu kor u sii qaadayaa maalgashiga gudaha, isku xirka Hay’adaha Dhiiragelinta Maalgashiga ee caalamiga ah, iyo horumarinta xiriir warbaahineed oo dhamaystiran si loo horumariyo magaca Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ugu danbayntii bogaadiyay dadaalka SOMINVEST ee fududaynta, taageeridda maal-gashadayaasha ajnabiga ah ee daneynaya dalka iyo kuwii horay u maalgashaday.