Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta: Anagu deyn ma qaadano, waxaan ku jirnaa hawshii deyn cafiska (Warbixin)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta: Anagu deyn ma qaadano, waxaan ku jirnaa hawshii deyn cafiska (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta, Maal-geshiga iyo Hurumarinta Dhaqaalaha Dawladda Federalka Soomaaliya, Jamal Maxamed Xasan ayaa sheegay in fursado badan oo maalgashi ah uu ka jiro dalka, lana maalgeshan karo, ayna soo dhaweynayaan shirkadaha iyo dawladaha danaynaya ka wada fa’ideysiga fursadahaa.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

July 11, 2026
Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026

Wasiirka ayaa iigu waramay maalagada Caasimada ah ee Beijing kadib markii uu ka qayb-galay shirkii ‘Iskaashiga Caalamiga ahaa ee dhanka Kaabayaasha Dhaqaalaha..BRF,kaasi oo qabsomay 25-27 bishi April, waxaana shirkaasi ka qayb-galay 38 dal, ururo caalami ah iyo ka qayb galayaan 5000 gaaraya.

Wuxuu ii sheegay in wafdi uu isaga hogaaminayo, uuna ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta Jubbaland iyo Wafdi kale oo uu hogaaminayey Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Cabdi Xayir Maareye ay ka qayb-galeen shirka, ayna dhinaca ganacsiga iyo siyaassada ku kala metalayeen.

Waxaan wasiirka weydiiyey sida ay Soomaaliya uga faa’ideysan karto ‘Mashaariicda Shiinaha ee loo yaqaan ‘Belt & Road Initiatives’ oo ah barnamij dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha la xiriira sida waddooyin, buun-dooyin, khadad tareen iyo koronta dhalin oo dalal badan oo adduunka ah ka faa’ideysteen kuwaasi kuwa deriska nala ahi ku jiraan.

“Wadamada halkan joogay oo dhan waxa ay ahaayeen waddamo dayn ka qaata China, anagu deyn ma qaadano, mana qaadan karno oo waxa aan ku jirnaa hawshii deyn cafiska, tii hore ayaa nalagu leeyahay” ayuu wasiirka iigu jawaabay.

Balse Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in wixii kale oo iskaashi ah oo aan deyn ahayn ay labada dawladood, Shiinaha iyo Soomaaliya ka wada shaqayn karaan, ayna diyaar u yihiin, waxana ay dhinacyadaasi noqon karaan kalluumaysiga, iyo beeraha maadaama aan dhul weyn leenahay.

Dhanka kale, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta ayaa kullan la qaatay madaxa hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Shiinaha, Tian Lin, waxana ay ka wada hadleen fulinta iyo halka ay marayaan mashariic ay hore uga soo gudbiyeen hay’addaas,kuwaa oo ay ku jireen kuwa kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Tian Lin,Head of China Intel. Development Cooperation Agency(CIDCA), April 22,2019(Mohamed Osman/ SONNA)
Mr. Jamaal ayaa sheegay in hay’adu ay weli mashaariicdu daraasad ku wado, kadibna ay hawshaa waxa ay ka qaban karaan, ka qaban doonaan.

By: Maxamed Cisman Cabdi ‘Black Cobra’

E-mail: [email protected]

Beijing-China

Previous Post

Horjooge Alshabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo maanta isu dhiibay Ciidamada

Next Post

Waa kuma Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha?

Next Post
Waa kuma Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha?

Waa kuma Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha?

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha XFS Sulub Axmed...

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

July 10, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu daah-furay xarunta dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In