Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo shaaciyay in dhawaan ay bilaabanayaan fulinta mashaariic horumarineed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo shaaciyay in dhawaan ay bilaabanayaan fulinta mashaariic horumarineed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in maalmaha soo socda la bilaabayo fulinta wajiga koowaad ee Mashaariicda Hormarineed ee Dowlada Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in mashaariicdan Dowladda Qatar maalmaha soo socdo ay bilaabeyso lagu qiimeeyay lacag dhan 200 milyan ( Labo boqol oo milyan) oo doolarka Mareykanka ah, isaga oo kaga mahad celiyay Qatar kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo garab istaaga shacabka iyo dowlada.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo isna la hadlay Warbaahinta Qatar ayaa sheegay in mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan ay ka mid yihiin dib u dhiska waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90 KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30KM, dib u dhiska qaar ka mid ah Xarumaha dowladda iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dowladda.

Heshiiskan ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen 28- bishii November ee sanadkan, iyadoo la rajeynayo in Hesiiskan uu qeyb ka qaato qorshaha Qaran ee horumarinta dalka oo ay qeyb ka tahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo xoojinta dhaqaalle ee Soomaaliya.

Previous Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maalintii labaad ka qeyb galayo shir ka socdo Magaaladda Baydhabo.

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanadda Qaran ee Hibo Nuura “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanadda Qaran ee Hibo Nuura “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanadda Qaran ee Hibo Nuura "SAWIRRO"

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In