Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi raxmaan Yuusuf Cali Caynte iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose halkaa oo wasiirka ay ku soo dhaweeyeen mas,uuliyiinta ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubaland .
Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay mas,uuliyiin ka tirsan maamulka jubaland waxaana loo galbiyay madaxtooyada maamulkaas halkaas oo uu wasiirku kulan kula qaatay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe} .
Wariyaha Radiomuqdisho ee la socda wafdiga wasiirka ayaa soo sheegaya in wasiirka Qorsheynta Mudane Caynte iyo Madaxwe Jubaland ay ka wada hadleeen arimo ay ka mid yihiin in ay wada shaqeeyaan Dowladda dhexe iyo Maamulka jubaland sidoo kale in uu jiro qorshe guud oo ay ku wada shaqeeyaan wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhexe iyo maamulkaas wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo wasiirka qorsheynta Maamulka Jubaland ayaa waxaa ay kala saxiixdeen heshiis sadax qodob ka kooban oo qeexaya wada shaqeyn wanaagsan oo dhexmarta labada dhinac.
Akhriso: