Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga tacsida ee loo furay geerida Amiirkii hore ee Qatar Allaha u naxariistee Amiir Xamad Bin Khaliifa, intii ay booqasho ku joogtay Safaaradda Dowladda Qatar ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Wasiiradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda, hoggaanka iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Qatar, iyadoo uga tacsiyeeysay geerida marxuumka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiiraddu waxay xustay in Dowladda iyo shacabka Qatar ay mar walba garab istaageen Soomaaliya xilliyadii adkaa, isla markaana ay door muuqda ka qaateen taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Waxay tilmaantay in la qeybsanayso murugada ay ka tarjumayso xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Madasha saxiixa buugga tacsida waxaa Wasiirka ku weheliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Danjire Shiikh Nuur Maxamed Xasan, iyadoo ay mar kale Alle uga baryeen marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelka, Dowladda iyo shacabka Qatarna uu ka siiyo samir iyo iimaan.



Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Next Post

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

Next Post
Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In