Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Guddoomiyey kulan looga hadlay qorshe howleedka Wasaaradda “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Guddoomiyey kulan looga hadlay qorshe howleedka Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif  ayaa maanta guddoomiyey kullan muhiim ah oo  is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedyada Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii  u horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay taariikhda 20 bishan May,2021.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Waaxyaha Wasaaradda  ee sannadkan  iyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,iyadoo diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa arrimaha dhimman.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas, ayaa ku ammaanay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, wuxuuna faray in si dhaqso leh loo gudo-galo diyaarinta qorshe howleedka Wasaaradda muddada sagaashka cisho ah ee soo socota.

Wasiirka ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta dadaallada shaqo abuurka, xirfadaha, horumarinta bulshada, la-dagaallanka saboolnimada,bad qabka goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo hagaajinta xiriirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-gobolleedyada dalka, wasaaradaha la dhigga ah ee caalamka, ururrada Shaqaalaha,hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa dibedda.

“Wasaaradan waxay mas’uul uga tahay Bulshada Soomaaliyeed arrimaha loogu baahida badan yahay ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, si taas aan uga dhabeyno waa in ilaa iyo maalinta u dambeysa dadaal galinnaa  sidii is beddello muuqda iyo horumarinta howlaha Wasaaradda ay horey u heysay Bulshada aan ugu usoo bandhigi lahayn,taasna waxaan ku gaareynaa wada-jir iyo in la laba-laabo fulinta howlahaas.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

Previous Post

Maxkamadda ciidmada qalabka sida oo xabsi daa’in ku xakuntay labo ka tirsanaa Al-Shabaab

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In