Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabbilay wafdi ka socday Hayโ€™adda IOM

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabbilay wafdi ka socday Hayโ€™adda IOM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane. Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta xafiiska ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hayโ€™adda Socdaalka Adduunka ee (IOM), Mudane Maxamed Abdikheer.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa wada-hadal ay yeesheen, waxaa diirrada lagu saaray xal u helida caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed, saameynta abaaraha ee dalka ka jira, horumarinta mashaariicda taageeraya qoysaska nugul , dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

โ€œWaxay muhiimad u leedahay IOM โ€“ qorshaha aan dooneyno in lagu gaaro isbeddelada shaqo laโ€™aan ee Dhallinyarada , ka jawaabida xaaladaha deg degga, taageerraya Dadka ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga iyo barakacayaasha gudaha . โ€œayuu yiri Wasiir Biixi.

Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee hayโ€™adda IOM , Mudane Maxamed Abdikheer oo boggaadiyay wada shaqaynta iyo dadaallada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu sidoo kale la wadaagay wasiirka warbixin guud oo la xiriirta howlgalka IOM ee Soomaaliya.

โ€œ Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay inaan xoojinno xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.โ€ ayuu ku daray Maxamed Abdikheer.

Kulanka ayaa waxaa goob -joog u ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda , Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo IOM.

Previous Post

Sargaal ka tirsan Ciidamada Israaโ€™iil oo lagu dilay Jiniin

Next Post

Wasaaradda arrimaha gudaha oo baaq Nabadeed u dirtay beelo ku dagaalamay qeybo ka mid ah Galmudug

Next Post
Wasaaradda arrimaha gudaha oo baaq Nabadeed u dirtay beelo ku dagaalamay qeybo ka mid ah Galmudug

Wasaaradda arrimaha gudaha oo baaq Nabadeed u dirtay beelo ku dagaalamay qeybo ka mid ah Galmudug

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In