RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday xarunta dhexe ee Ururka Midowga Shaqaalaha Dowladda Turkiga ee MEMUR-SEN.
Booqashadan ayaa ujeeddadeedu ahayd dardargelinta iyo hirgelinta heshiiskii iskaashi ee ay horay u kala saxiixdeen Wasaaradaha Shaqada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Turkiga.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada shaqada, horumarinta shaqaalaha dowladda, is-weydaarsiga khibradaha, iyo kor u qaadista awoodda shaqaalaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa la isla qaatay in la dardargeliyo barnaamijyada wadajirka ah ee taageeraya horumarinta shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya.











