Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada oo hadalo dar daaran ah u jeediyay Shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada oo hadalo dar daaran ah u jeediyay Shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta la kulmay inta badan howlwadeennada Wasaaradda, kaasi oo ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo dardargalinta howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“Dhammaantiin waxaan u doortay inan idin soo horfadhisto inan idin sheego muhiimadda aad dalkan u leedihiin, dhageysto aragtidiina, haddii aan hagaajinno howlaha shaqo ee ka socda hay’adaha Dalka, waxay taasi horseedaysaa in bulshada uu gaaro adeegga Dawladda.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Wasiirka, waxaa  uu kula dardaarmay howlwadeennada Wasaaradda in sida ugu habboon ay u gutaan mas’uuliyada saaran.

“Anniga waxaa la ii dhaariyay inan Qaranka ugu adeeggo sida ugu daacadsan, haddii aan idinka la idin dhaarin, taasi ma aha mas’uuliyadiina inaan la is waydiineyn, wadajir aan u gudano waajibka na saaran.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay 20 bishii May ee sannadkan 2021, wuxuu xoojiyay qorshayaasha lagu horumarinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Previous Post

Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ku qabatay shirka Ansixinta Siyaasadda Qaran ee fidinta Beeraha “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In