Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Socdaalka Canada oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool Minnesota

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Socdaalka Canada oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool Minnesota
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Wadanka Kanada, Axmed Xuseen Dirir oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa Soomaalida gobolka Minnesota ku dhaqan la yeeshay kulamo kala duwan.

Wasiirka ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka uu ku joogo Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka oo ay Soomaalidu aadka ugu badan yihiin, wuxuuna sheegay in uu u yimid arrimo badan oo ay ka mid tahay in Dowladda Canada ay u soo dirtay inuu la shiro Guddoomiyaha Gobolka, masuuliyiinta Golaha deegaanka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaasi.

Wasiirka oo ka hadlaayay Xiriirka u dhaxeeya Canada iyo Maraykanka ayaa yiri, ” labada dal waxaa ka dhaxeeya arrimo badan oo ay ka mid tahay ganacsi ayaa ka dhaxeeya, ma aha in Dowladda sare oo kaliya, balse waa in lala kulmaa oo lala sheegeysta maamul goboleedyada, Minnesota-na dalka Canada ganacsi badan ayay la yeelataa, dhaqaale badan ayaa laba dhinac u gudba, waxaa kaloo aan u imid inaan Dadka ku dhaqan Minnesota ina aan u sharaxo siyaasadda Socdaalka Dalka Canada, isbedelka iyo waxyaabaha ay qabaneyso iyo waxa ay ku talao jirto”.

Wasiirka oo ay wareysatay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo ka jawaabayay su’aal la xariirtay sida ay Dowladda Canad u soo dhaweynayso dadka ka cararaya Maraykanka oo doonaya inay galaan Canada ayaa yiri, ” Canada waxaa weeye wadan furan oo ogol in Dad ajnabi ah qaataan oo ay ka shaqeeyaan Canada oo ay soo guuraan, laakiin muhiimaddu waxaa weeye in ay Albaabadii loogu talagalay soo maraan, waxaan diidan nahay waxaa waaye in shaqsiyaad ama Dad iskaya inay xuduuda soo gudbaan iyagoo aan soo marin meelaha loogu talagay, marka Canadna dan uguma jirto Maraykanka-na dan uguma jirto”.

Mar wax laga weydiiyay maxaad u qabatay inta aad Wasiirka ka tahay Dalka Canada Dadka Soomaaliyeed, ayaa yiri, ” wax badan ayaa u qabtay, balse aan sheego marka hore Soomaaliya Safaarad kuma laha Dalka Canada, marka haddii ay jiri laheyd Safaaraddu waxaa ka sii fiicnaan lahaa xiriirka labada Dal, waxaan u gudbiyay lacag waagii abaarta iyo siyaabo kale 119 Million oo Doolar aniga shaqsi ahaan aan Dowladda Soomaaliya u gudbiyay, lacagtaasi 21 Million oo ka mid ah waxaa loo qoondeeyay Soomaaliya , Dowladda Canada waxaad moodaa inay u soo laabatay Mucaawinadii ay Soomaaliya siin jirtay ay sii xoogeysatay”.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Ciyaaraha waxay ka qeyb qaataan Nabadda iyo Horumarka dalka” 

Next Post

Golaha ammaanka oo dhaliilay go’aankii Trump

Next Post
Golaha ammaanka oo dhaliilay go’aankii Trump

Golaha ammaanka oo dhaliilay go’aankii Trump

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In