Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Socdaalka Canada oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool Minnesota

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 9, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Socdaalka Canada oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool Minnesota
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Wadanka Kanada, Axmed Xuseen Dirir oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa Soomaalida gobolka Minnesota ku dhaqan la yeeshay kulamo kala duwan.

Wasiirka ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka uu ku joogo Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka oo ay Soomaalidu aadka ugu badan yihiin, wuxuuna sheegay in uu u yimid arrimo badan oo ay ka mid tahay in Dowladda Canada ay u soo dirtay inuu la shiro Guddoomiyaha Gobolka, masuuliyiinta Golaha deegaanka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaasi.

Wasiirka oo ka hadlaayay Xiriirka u dhaxeeya Canada iyo Maraykanka ayaa yiri, ” labada dal waxaa ka dhaxeeya arrimo badan oo ay ka mid tahay ganacsi ayaa ka dhaxeeya, ma aha in Dowladda sare oo kaliya, balse waa in lala kulmaa oo lala sheegeysta maamul goboleedyada, Minnesota-na dalka Canada ganacsi badan ayay la yeelataa, dhaqaale badan ayaa laba dhinac u gudba, waxaa kaloo aan u imid inaan Dadka ku dhaqan Minnesota ina aan u sharaxo siyaasadda Socdaalka Dalka Canada, isbedelka iyo waxyaabaha ay qabaneyso iyo waxa ay ku talao jirto”.

Wasiirka oo ay wareysatay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo ka jawaabayay su’aal la xariirtay sida ay Dowladda Canad u soo dhaweynayso dadka ka cararaya Maraykanka oo doonaya inay galaan Canada ayaa yiri, ” Canada waxaa weeye wadan furan oo ogol in Dad ajnabi ah qaataan oo ay ka shaqeeyaan Canada oo ay soo guuraan, laakiin muhiimaddu waxaa weeye in ay Albaabadii loogu talagalay soo maraan, waxaan diidan nahay waxaa waaye in shaqsiyaad ama Dad iskaya inay xuduuda soo gudbaan iyagoo aan soo marin meelaha loogu talagay, marka Canadna dan uguma jirto Maraykanka-na dan uguma jirto”.

Mar wax laga weydiiyay maxaad u qabatay inta aad Wasiirka ka tahay Dalka Canada Dadka Soomaaliyeed, ayaa yiri, ” wax badan ayaa u qabtay, balse aan sheego marka hore Soomaaliya Safaarad kuma laha Dalka Canada, marka haddii ay jiri laheyd Safaaraddu waxaa ka sii fiicnaan lahaa xiriirka labada Dal, waxaan u gudbiyay lacag waagii abaarta iyo siyaabo kale 119 Million oo Doolar aniga shaqsi ahaan aan Dowladda Soomaaliya u gudbiyay, lacagtaasi 21 Million oo ka mid ah waxaa loo qoondeeyay Soomaaliya , Dowladda Canada waxaad moodaa inay u soo laabatay Mucaawinadii ay Soomaaliya siin jirtay ay sii xoogeysatay”.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Ciyaaraha waxay ka qeyb qaataan Nabadda iyo Horumarka dalka” 

Next Post

Golaha ammaanka oo dhaliilay go’aankii Trump

Next Post
Golaha ammaanka oo dhaliilay go’aankii Trump

Golaha ammaanka oo dhaliilay go’aankii Trump

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In