Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka tamarta oo la kulmay wakiilka hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka tamarta oo la kulmay wakiilka hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda samafalka ah ee Qatar Charity oo uu hogaaminayay wakiilka hay’addaas ee Soomaaliya Mudane Cabdinuur Xaaji Cali.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiru-dowlada wasaaradda Marwo Shukri Maxamuud Afrax, wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Mudane Daahir Cabdi Cabdullahi, agaasimaha guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, la taliyaasha dhanka biyaha iyo hawl-wadeenada Wasaaradda.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Mas’uuliyiinta ugu sareysa wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo hay’adda Qatar Charity ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta biyaha dalka iyo sidii ay gacan buuxda uga geysan lahayd hay’adda in ay kala shaqeeyaan Wasaaradda hirgalinta ceel biyoodyo laga qodo goobaha oonlaha ah ee ay ka jirto baahiyo biyo, ayadoo Wasaaradda ay qaadaneyso doorkeeda oo ah in ay hagto goobaha laga fulinayo mashaariicda horumarinta biyaha.

Dhanka kale, Xubnaha ka socday hay’adda Qatar Charity, ayaa aad u bogaadiyay kulanka ay Wasiirka wasaaradda la yeesheen, waxayna ku amaaneen mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay uga go’an tahay wax u qabashada dadka tabaaleysan ee u baahan in ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan, ka hay’ad ahaanna ay diyaar u yihiin in ay raacaan qorshaha wasaaradda uga dagsan hirgalinta arrimaha la xiriira qodista ceelal biyoodyo, iyadoo tilmaanta ay Wasaaradda bixiso ay hay’adda ku hawl gali doonto.

Ugu dambeyntii, waxaa la is meel dhigay in la dardargaliyo heshiiskii ay wasaaradda iyo hay’adda kala wada saxiixdeen sanadii hore, si hawlaha badan ee horyaala laba dhinac loo fuliyo lagana amba qaado qodobada heshiiskaas.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka maamulka K/galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo+Sawirro

Next Post

Itoobiya oo sheegtay in ay dayactireyso masjidka Najashi oo burbur soo gaaray

Next Post
Itoobiya oo sheegtay in ay dayactireyso masjidka Najashi oo burbur soo gaaray

Itoobiya oo sheegtay in ay dayactireyso masjidka Najashi oo burbur soo gaaray

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In