Friday, June 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka UK ee Africa booqashadiisa Muqdisho iyo Hargeysa

caqiil by caqiil
August 21, 2017
in Wararka
0
Wasiirka UK ee Africa booqashadiisa Muqdisho iyo Hargeysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiika UK ee Africa, Rory Stewart, ayaa booqashadii ugu horeysay ku yimid Soomaaliya isagoo booqday magaalooyinka  Mogadishu iyo Hargeisa.

U jeedada booqashada Mr Stewart ayaa aheyd u kuurgelida qodobadii ka soo baxay shirkii London May dii la soo dhaafay iyo sidii uu u kari lahaa dadaalada UK ee ku aadan arimaha bari’aadanimada, iyo mashaariicda horumarineed loo sameeyay dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025

Magaalada Muqdisho ayuu, Mr Stewart kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya uu uu kamid yahay ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa, wasiirada gaashaandhigga, qorsheynta, amniga gudaha iyo xubno ka tirsan beesha caalamka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Wasiika UK ee Africa, Rory Stewart ayaa soo dhaweeyay horumarinka ay sameysay dowladda Soomaaliya, isagoona xaqiijiyay in UK sii wadi doonto taageerada lagu horumarinayo Soomaaliya.

Madaxda dowladda Soomaaliya ee uu la kulmay ayuu kala hadlay ahmiyadda a ku fadhiso adkeynta amniga iyo la dagaalanka argagaxisada, la dagaalanka musuq maasuqa iyo in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada.

Mr Stewart  ayaa intii uu magaalada Muqdisho ku sugnaa waxaa uu tagay xarunta isku dubaridda arimaha gargaar ee QM isagoo arkay iskaashiga ka dhexeeya ururada sama falka, Qaramada Midoobay iyo wasaaradda arimaha gargaarka ee ku aadan ka jawaabidda abaaraha.

Wasiirka UK ee Afrika ayaa sidoo kale warbixin looga siiyay £170 million oo UK ugu talagashay abaaraha iyo ka hor tagida in abaarta Soomaaliya macluul isku bedesho.

Wasiika UK ee Africa, Rory Stewart ayaa sidoo kale tagay magaalada Hargeisa, isagoo halkaas kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu kala hadlay arimo ah kamid yihiin doorashada bisha November ka dhici doona maamulka Somaliland.

Magaalada Hargeisa, waxaa uu sidoo kale kulan kula yeeshay qaar kamid ah ururada bulshada rayidka ah xubno ka tirsan dowladaha hoose iyo qaar kamid ah dadkii ka faa’ideystay deeqaha waxbarasho ee UK ay siiso Soomaaliya.

Wasiirka UK ee Afrika ayaa mas’uuliyiinta Somaliland kala hadlay ahmiyadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada hadalkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Somaliland.

 

Previous Post

Wefdi ka socda Galmudug oo gaarey degmada Hobyo

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo imtixaan u furey arady cusub oo ku biiraya Jaamacadda Umadda

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo imtixaan u furey arady cusub oo ku biiraya Jaamacadda Umadda

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo imtixaan u furey arady cusub oo ku biiraya Jaamacadda Umadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In