Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo ka qeybgalay Shirka Istaraatiijiyadda Warbaahinta

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Guddiga Miisaaniyadda Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Qorshyenta 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Istanbul kaga qeybgalay Shirka Istaraatiijiyadda Warbaahinta Caalamka, xilli dunida ay ka jiraan caqabado iyo xasarado kala duwan oo u baahan in lagu dabaqo siyaasad cusub oo dib loogu qaabeynayo isbeddelada socda.

Shirkan ayaa waxaa hal ku dhig u ah ‘’Istaraatijiyadda Warbaahinta, Xilli Lagu Jiro Hubanti La’aan’’, iyadoo dunida ay ku soo kordheen faafinta wararka beenta ah, kicinta iyo abaabulka colaadaha iyo in si xun loo adeegsado warbaahinta. Qodobada shirkan caalamiga ah looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah waxyeelada warbixinada sida khaldan loo tebiyo ama marin habaabinta, in si wanaagsan loo adeegsado aaladaha casriga ee warbaahinta iyo in bulshada loo tebiyo warar waxtar leh.

Related posts

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada ku hawlan dib u qaabeynta istaraatijiyada warbaahinta si looga mira dhaliyo hawlaha xasilinta, nabadeynta, horumarka iyo in laga fogaado in si xun loo adeegsado warbaahinta cusub ee sida sahlan bulshada u wada gaarta xilligan casriga ah ee lagu jiro.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo khudbad u jeediyay ka qeybgalayaasha shirkan ayaa xusay muhimadda ku jirta in laga wadaxaajoodo qaabeynta istaraatiijiyadda warbaahinta, ayna jirto fursad la isku dhaafsado fikir iyo khibrado si loo wajaho hubanti la’aanta dunida ka jirta iyo isbeddelada dhacaya.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 100 aqoonyahan ka bixinaya kharashka waxbarashada ee PhD

Next Post

Washington: Waxaan diyaar u nahay inaan Moscow kala hadalno heshiis cusub oo dhanka Nukliyeerka ah

Next Post

Washington: Waxaan diyaar u nahay inaan Moscow kala hadalno heshiis cusub oo dhanka Nukliyeerka ah

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

March 17, 2026
0

Maalintii 3-aad, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si gaar ah gudaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Baydhabo, waxaa si xowli ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In