Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo soo xeray shirkii Badqabka Suxufiyiinta ee ka socday Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo soo xeray shirkii Badqabka Suxufiyiinta ee ka socday Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Ahna Wasiir ku xigeenka H.E C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa soo xeray shirkii Badqabka Suxufiyiinta oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho, waxaana laga soo saaray qodoba ay ka mid yihiin dhismaha Gudigga Qaran ee badqabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo koobnaanaya 11 xubnood, kuwaas oo ka kala imaanaya Dowladda,Warbaahinta iyo Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yooniis ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay go’aanada ka soo baxay shirka muddada labada maalmood u socday daneeyayaasha badbaadinta saxafiyiinta, waxayna go’aan ka gaareen qaab-dhismeedka, howlaha iyo maamulka guddiga horkacaya Hab-Raaca.

Daneeyayaasha ka socday Warbaahinta, dowladda, ururada xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka, ayaa maalmihii Sabtida iyo Axadda ee 21 iyo 22 April 2018 ku kulmay magaalada Muqdisho si ay u abuuraan Hab-Raaca qaran ee badbaadinta saxafiyiinta.

Kulankta, oo ay qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, oo ay taageerayaan UNESCO iyo hey’adaha caalamiga ah ee caawiya Soomaaliya ururka ay ku midoobeen ee Taageerada Warbaahinta Soomaaliya (SMSG). Waxay jawaab ka soo saareen qaabka loola tacaali karo dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ee aan loo ciqaabin ciddii ka dambeysay.

Kulanka labada maalmood, ayaa qeybaha warbaahinta ee dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayen waxay ka tashteen sida ugu wanaagsan ee loo abuuri karo Hab-Raac ah ku dhan yihiin dhamaan daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidii dowladda looga taageeri lahaa la tacaalidda arrimaha la xiriira tallaabo ka qaadis la’aanta dambiilayaasha aan la ciqaabin ee geysta dambiyada lagula kaco saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Kulanka, ayaa si wadar-ogol ah ugu codeeyay in la sameeyo Guddiga Qaran ee Xiriirinta howlaha Badqabka Saxafiga, oo ka koobnaan doona 11 xubnood oo loo qeybsanayo sida soo socota:

4 xubnood, waxay matalayaan dowladda.

4 xubnood, waxay matalayaan warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo ururadooda.

3 xubnood, waxay matalayaan ururada bulshada.

 

Dhinaca maamulka guddiga, waxaa guddoonka qabanaya Guddoomiye ka socda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Guddoomiye ku xigeen, waxaa ka noqonaya xubin ka socda ururada bulshada, iyadoo Xoghayaha Guud uu qaban doono xubin ka socda ururada warbaahinta dalka. Go’aanada guddiga waxaa si wadajir ah u gaaraya sadexdan xubnood. Ugu yaraan sadex xubnood oo dumar ah, ayaa la go’aamiyay in ay ku jiraan guddiga ka kooban 11-ka xubnood.

 

Howsha guddiga, ayaa kulanku isku raacay in ay ka mid noqon donaat:

 

  • La socoshada xaaladda amni ee saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Diiwaangalinta saxafiyiinta
  • Taageerada saxafiyiinta
  • U doodidda xuquuqda saxafiga
  • Abuuridda Telefoon ay toos u soo wacaan saxafiyiinta qatartu soo wajahdo.
  • Abuuridda santuuqa badbaadinta saxafiga.
  • Uruurinta taageerada bulshada iyo dhiirigalinta warbaahinta.
  • Bilaabidda barnaamijhyo wacyigalinta ee saxafiyiinta
  • Daabacaadda Buug-yaraha Badbaadada Saxafiga.
  • Abuuridda Nidaam sharci ee Badbaadada saxafiga.
  • Kobcinta aqoonta saxafiyiinta.
  • Baaridda dambiyada loo geysto saxafiyiinta.
  • La socodka iyo qiimeynta howlaha saxaafadda

 

Kulanka, ayaa isku raacay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay qaadato mas’uuliyadda isugu yeeridda kulamada daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidoo kale Guddiga Qaranka ee Xiriirinta badqabka saxafiga.

Daahfurka kulanka Daneeyayaasha badqabka saxafiga ee Soomaaliya, ayaa ka dhashay Go’aanada bishii November 2017 lagu gaaray magaalada Nairobi Declaration, kuwaas oo qodobadii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen sameynta nidaamka xiriirinta daneeyayaasha badqabka saxafiga oo ay ka mid ahaanayaa sadexda qeybood ee dowladnimada (Fulinta, Sharci-dejinta iyo Maxkamadaha) iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee warbaahinta ee u xilsaaran ilaalinta iyo difaaca xoriyatul-qowlka, xoriyadda saxaafadda, helitaanka xogta iyo badbaadinta saxafiga ee dalalka si waafaqsan sharciyada qaran, gobol iyo cahdiyada caalamiga ah sida qaraarkii 29 ee Shirkii Guud ee UNESCO kulankii 29-aad ee ka dhacay magaalada Paris bishii November 1977, kaasoo Agaasimaha Guud ee UNESCO ku cambaareeyay xadgudubka ka dhanka ah weriyayaasha dalalka xubnaha ka ah; iyo in la helo goob cilmiga iyo la xisaabtanka.

 

Previous Post

Muwaadiniin u dhashey Britain oo Sucuudiga u joogay gudashada Acmaasha Xajka oo shil ku dhintay

Next Post

Is diiwaangelinta Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta bilaabaneysa

Next Post
Is diiwaangelinta Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta bilaabaneysa

Is diiwaangelinta Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta bilaabaneysa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In