Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo sheegay in ciidamada ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan Bacaadweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo sheegay in ciidamada ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan Bacaadweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ay jab xoogan u geysteen  maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab, isla markaana ciidamada ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan deegaanka Bacaadweyne iyo deegaananda kale ee ay ciidamada la wareegeen.

Mudane Axmed Shire oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in caawa ay si nabadgelyo ah ku joogaan ciidamada deegaannii ay saaka kala wareegeen dhagar qabayaasha Al-Shabaab, isagoo shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan ciidamada.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

“Howlgalkii saaka waxa uu ahaa mid qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug, waxaana ay ka bilaabeen deegaanka Bacaadweyne iyo deegaanno kale oo ku xeeran, halkaasi oo ay ciidamada si rasmi ah ula wareegeen oo cagta mariyay maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay soo qaadeen galabta dagaal rogaan celis ah, isagoo xusay in maleeshiyada Al-Shabaab aysan u ba bac dhigi karin awoodda ciidamada ku sugan Bacaadweyne iyo deegaannada kale ee ku xeeran goobihii saaka laga fara maroojiyay Al-Shabaab.

Previous Post

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu uga qeyb galay dalka Morocco

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha X.F.S oo lagu wadaa inuu maanta gaaro Dowlad Goboleedka Jubaland

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha X.F.S oo lagu wadaa inuu maanta gaaro Dowlad Goboleedka Jubaland

Ra’iisul Wasaaraha X.F.S oo lagu wadaa inuu maanta gaaro Dowlad Goboleedka Jubaland

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In