Shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Cadaado ku qabtay wasiirkaย warfaafinta dawlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaan ayuu ku sheegay in dagaalladii maanta ay kula galeen kooxda Shabaabย deegaanada Galhagiig, Dinooda, iyo Tawfiiq ee bariga gobolka Mudug ayย jab iyo qasaaro wayn gaarsiiyeen kooxda Shabaab ee isku dayday inayย amnigooda qalqal galiyaan.
Wasiirka ayaa xusay inay xalay qabteen Doon ay wateenย horjoogayaal ka tirsan Al-shaab oo baxsad ahaa.
Wasiirka warfaafinta dawlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaanย ayaa sheegay in maxaabiis hor leh ay maanta ku qabteen dagaalka ayย ciidamada Galmudug ku sifaynayaan Shabaabka.
Ciidamada Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlgalo laguย sifaynayo kooxda shabaab ka waday bariga gobolka Mudug.