Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka warfaafinta: Imaaraadku ma aqoonsana dowladnimada Soomaaliya

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta: Imaaraadku ma aqoonsana dowladnimada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo maanta ka jawaabay war saxaafadeed meel ka dhac ku ahaa dowladnimada Soomaaliya oo ka soo baxday dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay ka xun yihiin hab-dhaqanka iyo ereyada gefka ah oo ku qornaa qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka.

Qoraalka Imaaraadka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya haatan dowladi ka jirin isla markaana dagaal iyo qalalaase ka socdaan, wasiir Dubbe, ayaa sheegay in hadaladaas ay yihiin kuwo caddeynaya tuhunkii ahaa in Imaaraadku sanadihii dambe ka shaqeynayay diban daabyada horumarka dowladnimada Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa xusay in Imaaraadku sheegeen in ay aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya, taas oo meelna ka soo galeynin qawaaniinta caalamiga ah ee dowladaha ku shaqeeyaan, isagoo xusay in Isu tagga Imaaraadka Carabta doonayo in Soomaaliya la mid noqoto, Yemen iyo Libyo.

‘Halkan waxaa idin kugu yeeray oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagtaan in waraaqahaasi ay ku jirtay warqad midab kale leh oo mustaqbalka dalkeena u ekeysiinaysa mid madow,’ ayuu war fidiyeenka u sheegay wasiir Dubbe.

Wasiirka warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed la fajacsan yihiin hadalka ka soo yeerey Imaaraadka, waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay fahmaan waxa lala maagan yahay oo ah baabi’inta dalkooda.

“Haddii aadan horumarka iyo iftiinka dowladnimo ee noo soo baxay ku faraxgelineynin, ma sameyn karno waxa ku faraxa gelinayo oo ah in aan is dilno, qaxno oo aan gumowno” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay wasiirka in caddeymo kale dowladdu soo bandhigi doonto kuwaas oo ah dhibaatada Imaaraadka Carabta uu ku haayo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay arrimaah doorashooyinka ayuu wasiir Dubbe, sheegay in dal kasta oo xaq u leeyahay arrimihiisa gudaha sidaas dareedna arrinta doorashadu tahay mid Soomaalida u taala oo aan laga aqbalaynin in dal kale uu soo farageliyo.

U dambeyn wasiirka waxaa uu sheegay in Imaaraadka ka rajaynayaan in ay gar-waaqsadaan gefka ay sameeyeen isla markaana cudur daar ka bixiyaan khaladkooda.

 

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

Diyaaradaha caalamiga ah oo maanta dib u bilaabay duulimaadkooda Muqdisho +Sawirro

Next Post
Diyaaradaha caalamiga ah oo maanta dib u bilaabay duulimaadkooda Muqdisho +Sawirro

Diyaaradaha caalamiga ah oo maanta dib u bilaabay duulimaadkooda Muqdisho +Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In