Saturday, September 23, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka warfaafinta: Imaaraadku ma aqoonsana dowladnimada Soomaaliya

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
February 21, 2021
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta: Imaaraadku ma aqoonsana dowladnimada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo maanta ka jawaabay war saxaafadeed meel ka dhac ku ahaa dowladnimada Soomaaliya oo ka soo baxday dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay ka xun yihiin hab-dhaqanka iyo ereyada gefka ah oo ku qornaa qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka.

Qoraalka Imaaraadka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya haatan dowladi ka jirin isla markaana dagaal iyo qalalaase ka socdaan, wasiir Dubbe, ayaa sheegay in hadaladaas ay yihiin kuwo caddeynaya tuhunkii ahaa in Imaaraadku sanadihii dambe ka shaqeynayay diban daabyada horumarka dowladnimada Soomaaliya.

Related posts

Somali Prime Minister meets with the US President

Somali Prime Minister meets with the US President

September 23, 2023
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

September 23, 2023

Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa xusay in Imaaraadku sheegeen in ay aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya, taas oo meelna ka soo galeynin qawaaniinta caalamiga ah ee dowladaha ku shaqeeyaan, isagoo xusay in Isu tagga Imaaraadka Carabta doonayo in Soomaaliya la mid noqoto, Yemen iyo Libyo.

‘Halkan waxaa idin kugu yeeray oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagtaan in waraaqahaasi ay ku jirtay warqad midab kale leh oo mustaqbalka dalkeena u ekeysiinaysa mid madow,’ ayuu war fidiyeenka u sheegay wasiir Dubbe.

Wasiirka warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed la fajacsan yihiin hadalka ka soo yeerey Imaaraadka, waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay fahmaan waxa lala maagan yahay oo ah baabi’inta dalkooda.

“Haddii aadan horumarka iyo iftiinka dowladnimo ee noo soo baxay ku faraxgelineynin, ma sameyn karno waxa ku faraxa gelinayo oo ah in aan is dilno, qaxno oo aan gumowno” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay wasiirka in caddeymo kale dowladdu soo bandhigi doonto kuwaas oo ah dhibaatada Imaaraadka Carabta uu ku haayo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay arrimaah doorashooyinka ayuu wasiir Dubbe, sheegay in dal kasta oo xaq u leeyahay arrimihiisa gudaha sidaas dareedna arrinta doorashadu tahay mid Soomaalida u taala oo aan laga aqbalaynin in dal kale uu soo farageliyo.

U dambeyn wasiirka waxaa uu sheegay in Imaaraadka ka rajaynayaan in ay gar-waaqsadaan gefka ay sameeyeen isla markaana cudur daar ka bixiyaan khaladkooda.

 

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

Diyaaradaha caalamiga ah oo maanta dib u bilaabay duulimaadkooda Muqdisho +Sawirro

Next Post
Diyaaradaha caalamiga ah oo maanta dib u bilaabay duulimaadkooda Muqdisho +Sawirro

Diyaaradaha caalamiga ah oo maanta dib u bilaabay duulimaadkooda Muqdisho +Sawirro

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

Acting PM and DPM Salah opens the Education Restructuring Conference

September 23, 2023
0

The Acting Prime Minister and the Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia, HE Salah Ahmed Jama opened...

Somali Prime Minister meets with the US President

Somali Prime Minister meets with the US President

September 23, 2023
0

The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, HE Hamza Abdi Barre met with the President of the United...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

September 23, 2023
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Waxbarashada...

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

September 23, 2023
0

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Daacish....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In