Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo cambaareeyay qarixii kooxaha argagixisada ah ay ka geysteen magaalada Garoowe.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye oo ka hadlay wax-qabadka Dowladda intii ay jirtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 29ka Maarso 2020: Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo cambaareeyey qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sheegay in falkan uu muujinayo sida fuleynimada ah ee argagixisadu ay u caadeysteen gumaadka iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay heegan kaga jiraan ka hortagga cudurka Koroona oo ah musiiba calami ah balse argagixisadu oo aan waligood u diir-nixin shacabkeenna Soomaaliyeed ay u arkaan fursad ay ku sii kordhin karaan dhibaatada ay u maleegayaan dadkeenna.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

“Arxan darrada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed waa mid qof kasta oo damiir leh uu ka dhiidhiyo. Wakhtiyadii abaaraha adag ay ka dhaceen dalka, fatahaadihii sababay xaaladaha binu aadannimo iyo maanta oo aan la tacaaleyno ka hor tagga cudurka Koroona intaas oo xaaladood iyo kuwo ka adagba argagixisadu waxa ay la barbar socdeen gumaad iyo weeraro bahalnimo ah.”

Wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay midnimo iyo wadajir kaga gudbaan marxaladahan adag oo gacanna ay iskaga xoreeyaan argagixisada, gacanta kalena ay kaga hortagaan musiibada caalamiga ah ee cudurka Koroona.

Wasiirka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi, wuxuuna ayaa Alle caafimaad deg-deg ah uga barya saraakiisha ciidan iyo dhammaan dadka birmo-geydada ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxaas bahalnimada ah.

DHAMMAAD

Previous Post

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo faah faahin ka bixiyay qasaarihii Al-Shabaab loogu geystay Jannaale

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In