Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Wasiirka Warfaafinta Oo Furay Barnaamijka Tartan Cilmiyeedka Ramadaan Ee SNTV iyo Radio Muqdisho Ka Baxa “Dhageyso+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Oo Furay Barnaamijka Tartan Cilmiyeedka Ramadaan Ee SNTV iyo Radio Muqdisho Ka Baxa “Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa si rasmi ah Xalay u furay tartan cilmiyeedka Ramadaan oo sanad walba ay Warbaahinta Qaranka ay u qabato degmooyinka dalka, iyadoo sanadkani barnaamijka ay taaba galinayo maamulka gobolka Banaadir oo sanadkii labaad gacan ka geysanaya habsami u socodka tartanka.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya C/rixiiin Ciise Cadow,Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dalka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Related posts

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026

Furitaanka barnaamijka ayaa ugu horeyn waxaa hadal kooban ka jeediyey Guddoomiyaha guddiga Tartanka Ismaaciil Muqtaar Cumar Oronjo oo isagu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku dadaalayeen sidii loo horumarin lahaa barnaamijkani uu muhiimad gaar ah u leh tartamayaasha degmooyinka dalka, waxaana uu rajeeyay in ay ka soo dhalaalaan howsha lagu aamninay.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/rixiin Ciise Cadow ayaa tilmaamay in tartankan oo ah tartankii shanaad ee ay Radio Muqdisho Iyo SNTV  u qabato degmooyinka dalka, u jeedada laga leeyahayna ay tahay in ay isku dhaxgalaan degmooyinka dalka oo uu sheegay in sanadkani uu noqonayo kii labaad ee maamulka gobolka banaadir uu taaba galiyo,  waxaana uu u mahad celiyey Gudiga qaban qaabada tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka.,iyo maamulka gobolka banaadir oo taabagelineya tartanka, sidoo kalena waxa uu ammaan iyo bogaadin gaar ah u jeediyey degmooyinka ka qeybgalaya tartan Cilmiyeedka Ramadaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Gen Maxamed Xasan Muungaab ayaa ku ammaanay doorka Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka sida ay ugu heelanyihiin wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed waxaana barnaamijkani oo uu maamulka gobolka Banaadir hirgalinayo uu sheegay in muhiim uu u yahay umadda Soomaaliyeed,, waxaana ka maamul ahaan uu balanqaaday in ay garab taaganyihiin islamarkaana ay diyaar u yihiin dhiira galinta barnaamikani.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isaguna jeediyey Khudbaddiisa furitaanka Tartan Cilmiyeedka sanadkan ayaa ugu horeyn u mahad celiyey gudiga qaban qaabada Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka, iyo maamulka gobolka banaadir oo barnaamijka taabagelineya waxaana uu xusay Wasiirka in tartankan uu gacan weyn ka geysan dono ka sokoow is dhaxgalka bulshada Soomaaliyeed ee degmooyinka dalka ku dhaqan soo celinta Dhaqanka iyo Wadaniyadda islamarkaana fursad loo siinayo bishan barakeysan in shacabka ku dhaqan degmooyinka Dalka ay aqoon ku tartamaan, sidoo kalena waxa uu Wasiirku uu u hambalyeeyay umadda Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan,  isagoo ugu dambeynna ku dhawaaqay in tartanku uu si rasmi ah u furanyahay.

Tartankii ugu horeeyey ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan ayaa waxaa caawa uu dhexmarayaa oo lagu daah furay tartameyaasha degmooyinka Kaaraan vs Beledweyne oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Banaadir.

Hoos Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/Qeybtii-furitaanka-tartanka-17-06-2015.mp3

IMG_1886 IMG_1887 IMG_1889 IMG_1890 IMG_1893 IMG_1894 IMG_1895 IMG_1897 IMG_1899 IMG_1901 IMG_1904 IMG_1905 IMG_1908 IMG_1919 IMG_1921 IMG_1922 IMG_1923 IMG_1933 IMG_1936 IMG_1937 Wasiirka Warfaafinta Iyo Guddomiyaha Gobalka Banaadir Oo Si Wada Jir ah u furay Tartan Cilmiyeedka bisha Barakeysan ee Ramadaan

Previous Post

Dowladda FS, Q,M, Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha caalamka oo daahfurey Barnaamijyo cusub oo lagu Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha oo Muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Next Post
Madaxweynaha oo Muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Madaxweynaha oo Muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
0

Mas'uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), xubno isugu jira Xildhibaanno, Wasiirro, Sanatarro, iyo masuuliyiin ka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka Dalladda...

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida...

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kadib markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qaranka ay qaadayaan howlgal kama dambeys...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In