Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda FS, Q,M, Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha caalamka oo daahfurey Barnaamijyo cusub oo lagu Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda FS, Q,M, Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha caalamka oo daahfurey Barnaamijyo cusub oo lagu Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 17 June 2015:-Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha ayaa soo dhaweeyay saxiixa lixda barnaamij ee wada-jirka ah iyadoo loo marayo hanaanka horumarinta iyo Dib u-dhiska Soomaaliya (SDRF) kaasi oo qeyb ka ah heshiiska hiigsiga cusub (New Deal Compact).

Barnaamijyadan wada-jirka waxay si toos ah u taageerayaan ujeeddooyinka Nabadeynta iyo dhismaha qaranka ee hiigsiga cusub, iyo si loo gaaro yididiilooyinka waaweyn ee barnaamijka hiigsiga 2016 ee dowladda, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo in la gaaro natiijooyinka hanaanka dhisidda maamul goboleedyada, dib u eegidda dastuurka, teegeeridda dooroshooyinka, ku dhaqanka sharciga, shaqa abuurka dhalinta iyo hurumarinta tayada hay’adaha.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Barnaamijyadani waxay si gaar ah u dhisi doonaan kartida shaqaalaha rayidka ah ee heer Federaal iyo heer maamul-goboleedba, waxay taagi doonaan bixinta adeeg cadaaaladeed oo waxtar leh, waxayna shaqo u abuuri doonaan kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah. Waxay sidoo kale taageeri doonaan hawlaha waaweyn ee ka midka ah waxqabadka barnaamijka hiigsiga dowladda ee 2016, oo ay ka mid yihiin dhismaha dowlad goboleedyo cusub oo xubno ka ah federaalka ee laga dhiso Koonfurta iyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, dib u eegid lagu sameeyo dastuurka, iyo tayo-dhiska dalka si uu u gaaro hanaan siyaasadeed oo doorasho dimuqraadi ah.

Daahfurka barnaamijyadan oo ka mid ah hanaanka horumarinta iyo dib u-dhiska Soomaaliya (SDRF) wuxuu muujinayaa sida adag oo ay beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya uga go’antahay inay iyagoo mideysan oo hal ah ka wada shaqeeyaan si loo horumariyo nolosha haweenka, ragga iyo carruurta Soomaaliyeed. “Kani waa heshiis muhim ah oo xoojin doonaa hay’adaha dowladda, sidoo kalena wuxuu guul aad u weyn u yahay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah“, ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cali Caynte, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Midowga Yurub, waaxda deeqda ee dowladda Ingiriiska (DFID), Sweden, Norway, Denmark, iyo Talyaaniga ayaa ballan qaaday in ka badan 106 milyan oo doolarka Mareynakanka ah muddo saddex sanno ah si loogu taageero barnaamijyadan horumarineed ee mudnaanta leh. “Saxiixa Barnaamijyada cusub ee wada-jirka ah waa tallaabo weyn oo loo qaaday hirgelinta heshiiska hiigsiga Cusub. Wuxuu noo saamaxayaa inaan si weyn u xoojino dowladda Federaalka iyo inaan taageerno hawlaha dowladda xudunta u ah“, ayuu yiri Daria Fané, Madaxa Iskaashiga ee Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Lixda barnaamij ee wada-jirka ah waxaa hoggaamineysa dowladda Soomaaliya waxaana fulinaya hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka midka yihiin FAO, ILO, UNDP, UN-Habitat, UNICEF, UNODC, UNOPS, UNSOM iyo UN Women.

Barnaamijyada waxaa ka faa’iideysan doona dhammaan gobollada dalka oo ay ku jiraan Puntland iyo dowlad-Goboleedyada dhawaan dhismay ee xubnaha ka ah Federaalka. “Saxiixa barnaamijyadan cusub waxay ka tarjumaysaa sida ay nooga go’antahey inaan sii tageerno  hawlaha mudnaanta leh ee ay Soomaalidu hoggaanka u tahay, Soomaaliduna leedahay,” ayuu yiri Philippe Lazzarini, Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya (DSRSG). “Hadda waa inaan si wadajir ah diiradda u saarnaa si loo dardargaliyo in natiijooyin la taaban karo la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed, iyo in barnaamijyada waxqabad loo bedelo, gaar ahaan heerka ka hooseeya federaalka.”

Barnaamijadan waa xuddunta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso qorshe kala guur ah oo ay Soomaali hogaamiso, Soomaalina  leedahay oo lagu gaaro nabad iyo barwaaqo.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berri ay Ramadaan tahay “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Oo Furay Barnaamijka Tartan Cilmiyeedka Ramadaan Ee SNTV iyo Radio Muqdisho Ka Baxa “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Oo Furay Barnaamijka Tartan Cilmiyeedka Ramadaan Ee SNTV iyo Radio Muqdisho Ka Baxa “Dhageyso+Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta Oo Furay Barnaamijka Tartan Cilmiyeedka Ramadaan Ee SNTV iyo Radio Muqdisho Ka Baxa "Dhageyso+Sawirro"

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In