Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Hambalyo ku aaddan Maalinta Xuska Xorriyadda Saxaafadda Caalamiga u diray Suxufiyiinta Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Hambalyo ku aaddan Maalinta Xuska Xorriyadda Saxaafadda Caalamiga u diray Suxufiyiinta Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa hambalyo ku aaddan maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka u diray dhammaan suxufiyiinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in suxufiyiinta ay udub dhexaad u yihiin nabadda iyo dowlad dhiska, sidaa daraadeedna ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xoriyadda saxaafadda, dhowrista bedqabka suxufiyiinta, daah-furnaanta, xoriyatul qowlka iyo fududeynta qaabka ay saxaafaddu ku heli lahayd wararka.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

“Si Soomaaliya ay horumar u gaarto, waxyaabaha aasaasiga ee aan u baahanahay inaan hirgelino ayaa waxaa ka mid ah in suxufiyiinta loo abuuro jawi ay si xor ah ugu shaqeyn karaan, bedqabkooda iyo inay tababaro xirfadahooda sare loogu qaado ay helaan” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqqy in xuska Maalinta Xoroyadda Saxaafadda ee 3-da May, ayaa sannadkan ku soo beegmaya iyadoo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay go’aansatey inay si daah-furnaan  iyo isla xisaabtan ku dheehan ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed, tusaalaha nool ee go’aankaasina uu yahay Kulankii Dadweyne ee dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu uga jawaabey su’aalo ku saabsan siyaasadda iyo waxqabadka dowladda oo ay shacabku weydiinayeen.

Waxaa uu ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daud Aweis uu ugu baaqey saxaafadda inay sii wadaan doorka wanaagsan ee ay ka cayaarayaan wacyigelinta bulshada, inay cod u noqdaan bulshada inteeda jilicsan ee aan fursadda u helin in codkooda la maqlo, dhismaha dowladnimada, nabadda, daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, iyadoo la tixgelinayo danaha qaranka, iyo anshaxa saxaafadda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo furay shir looga hadlayay la dagaallanka fikirka xagjirka “SAWIRRO”

Next Post

WORLD PRESS FREEDOM DAY Congratulatory Message from the Minister of Information H.E. Daud Aweis Jama

Next Post
WORLD PRESS FREEDOM DAY Congratulatory Message from the Minister of Information H.E. Daud Aweis Jama

WORLD PRESS FREEDOM DAY Congratulatory Message from the Minister of Information H.E. Daud Aweis Jama

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In