Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka warfaafinta oo ka hambalyay munaasabadda maalinta calanka

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta oo ka hambalyay munaasabadda maalinta calanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed u direy hambalyo ku aadan maadaama maanta ay ku began tahay maalinta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaas oo la sameeyay sanadkii 1954 oo hadda laga joogo 61 sano.

“Maanta oo ah maalin taariikh leh waa maalintii ugu horeysay oo calan Soomaaliyeed oo shan gees leh oo buluug ah la aas aasay la isku raacay, laga taagay magaalada Muqdisho iyo xarumaha beesha caalamka fadhiyada u ah sida xcarunta Qaramada Midoobay Soomaaliya calnka yeelatay umadda jirta ay noqotay weeye maanta.” Ayuu yiri Mudane Maareeye.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” wasiirka warfaafinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay weyneyaan munaasabadan isla markaana ka shaqeeyaan midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaayan uu u rajeeyay in ay ummadda Soomaaliyeed ay horumar gaar ahaan sanadkan sanadkiisa kale.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay midnimadooda iyo wadajirkooda ka shaqeeyaan, dhibaatooyinkii laga dhaxley dagaaladii sokeeye iyo kala qeybsanaanta meelaha qaarkood ka jirta meesha laga saaro.” Ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan ayaa fikirkiisa iska lahaa calanka buluuga ah oo shanta xidig dhexda ku leh  12 bishii Octoober sanadkii 1954 ayaana aheyd maalintii ugu horeysay ee calanka la taago.

Previous Post

Tartan Sport oo lagu xusayay maalinta calanka oo lagu qabtay Koonfur Afrika-Sawirro

Next Post

Roobabka deyrta oo xalay ka da’ay Beledweyne

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Roobabka deyrta oo xalay ka da’ay Beledweyne

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In