Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo  

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka qeyb munaasabad lagu weyneynayay maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Xaflad oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA waxaa kaloo ka qayb galay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, qorayaal iyo marti sharaf kale, iyadoo kooxda fanka ee HIDDO ay madasha ku soo bandhigeen hees ka turjumaysa  Afka iyo muhiimadiisa.

Guddoomiyaha Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA Prof Maxamed Daahir Afrax ayaa xusay in muddo todobaad ah ay socon doonaan barnaamijyo lagu weynaynayo Afka Hooyo, kuwaas oo Akadamiyadu Hormuud u tahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa madaxda iyo howlwadeenada Akadamiyada uga mahadceliyay qabashada munaasabadaan, waxaana uu hoosta ka xariiqay sida dhallinyarada ay mas’uuliyad gaar ah uga saaran tahay ilaalinta Afka waliba kuwooda qurbaha ku nool.

Sanad walba 21 Feberaayo waxaa loo dabaal degaa maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo, iyadoo Soomaaliya si weyn looga xuso mar walbana la is xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la weyneeyo, la ilaaliyo, laguna faano afka Hooyo ee qaniga ah, waxaana hormuud u ah hay’adaha u xilsaaran ee akadamiyad goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA iyo sidoo kale Akadamiyada Cilmiga, fanka iyo suugaanta.

Previous Post

Somalia President praises Qatar’s support to development projects

Next Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe “SAWIRRO”

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe "SAWIRRO"

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In