Saturday, December 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo  

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka qeyb munaasabad lagu weyneynayay maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Midowga Africa Oo Si Buuxda U Taageeray Midnimada Qaran Ee Soomaaliya

Midowga Africa Oo Si Buuxda U Taageeray Midnimada Qaran Ee Soomaaliya

December 27, 2025
Dowladda Turkiga Oo Si Buuxda U Taageertay Midnimada Iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya

Dowladda Turkiga Oo Si Buuxda U Taageertay Midnimada Iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya

December 27, 2025

Xaflad oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA waxaa kaloo ka qayb galay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, qorayaal iyo marti sharaf kale, iyadoo kooxda fanka ee HIDDO ay madasha ku soo bandhigeen hees ka turjumaysa  Afka iyo muhiimadiisa.

Guddoomiyaha Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA Prof Maxamed Daahir Afrax ayaa xusay in muddo todobaad ah ay socon doonaan barnaamijyo lagu weynaynayo Afka Hooyo, kuwaas oo Akadamiyadu Hormuud u tahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa madaxda iyo howlwadeenada Akadamiyada uga mahadceliyay qabashada munaasabadaan, waxaana uu hoosta ka xariiqay sida dhallinyarada ay mas’uuliyad gaar ah uga saaran tahay ilaalinta Afka waliba kuwooda qurbaha ku nool.

Sanad walba 21 Feberaayo waxaa loo dabaal degaa maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo, iyadoo Soomaaliya si weyn looga xuso mar walbana la is xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la weyneeyo, la ilaaliyo, laguna faano afka Hooyo ee qaniga ah, waxaana hormuud u ah hay’adaha u xilsaaran ee akadamiyad goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA iyo sidoo kale Akadamiyada Cilmiga, fanka iyo suugaanta.

 

 

Previous Post

Somalia President praises Qatar’s support to development projects

Next Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe “SAWIRRO”

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe "SAWIRRO"

Midowga Africa Oo Si Buuxda U Taageeray Midnimada Qaran Ee Soomaaliya

Midowga Africa Oo Si Buuxda U Taageeray Midnimada Qaran Ee Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Midowga Afrika ayaa si buuxda u caddeeyay in uu garab taagan yahay qaranimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda...

Dowladda Turkiga Oo Si Buuxda U Taageertay Midnimada Iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya

Dowladda Turkiga Oo Si Buuxda U Taageertay Midnimada Iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay madax-bannaanida,midnimada dhuleed, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale si cad oo aan gorgortan geli karin u xaqiijinaysaa go’aankeeda adag...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka Soomaaliyeed ayaa shaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In