Monday, September 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay waxqabadka Dowladda ee toddobaadlaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 12, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay waxqabadka Dowladda ee toddobaadlaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Da’uud Aweys Jaamac oo uu wehliyo Madaxa Hawlgalka ATMIS Danjire Maxamed Al-amin Seuof ayaa ka Warbixiyay hawlihii todobaadkan u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso: 

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

August 31, 2025
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

August 31, 2025

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya  Warbixinta Toddobaadlaha

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, xaaladda guud ee dalka iyo caqabadaha jira.

2- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres oo magaalada Baydhabo ku booqday dadka ka soo barakacay dhibaatooyinka Khawaarijta Al Shabab iyo abaaraha.

3- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres oo dhameystay booqasho laba maalmood uu ku joogay Soomaaliya, ayaa beesha caalamka ugu baaqey in Soomaaliya la taageero, maadaama ay ku taagan tahay dhabbadii horumarka iyo xasilinta dalka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland Pekka Haavisto.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Hiil Weyne oo ku taalla Balcad , halkaas oo ay ku jiraan kumanaan askari oo ka qeyb qaadan doona sugidda amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya oo meel mariyay xeer lagu xakameynayo hubka lagu dhex sito Muqdisho, tallaabadaas oo qeyb ka ah xasilinta caasimadda.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageeray go’aanka Golaha Wasiiradda ee xakameynta hubka lagu dhex sito magaalada Muqdisho.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka labada dal.

10- Ra’iisul Wasaar Xamsa Cabdi Barre oo ugu baaqey ganacsatada inay xoojiyaan maalgashiga ay dalka ku sameynayaan.

11- Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta , S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

12- Ergayga Madaxweyna Soomaaliya ee dhinaca arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo Djibouti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay degaannada Aw-Qumbaale, Ceel Cad, Canjeel, Harboole iyo Janaay-Cabdalle oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al Shabaab.

14- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannadguuradii 63aad tan iyo markii la aasaasay.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tuulooyin ku teedsan Wabi Shabeelle ee Koonfuurta Beled Weyne ka xorreeyay Khawaarijta Al Shabaab.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka oo is-garabsanaya ayaa hawlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay degaanno ka tirsan Degmada Buulo Burte ee Hiiraan, iyagoo isla markaana burburiyay godad ay Khawaariju ku dhuumaaleysan jireen.

17- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal ay khasaare ugu geysteen Khawaarijta ka fuliyay tuulada Ceel Juqow oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

18- Shir ay ka soo qeybgaleen waddamada Safka Hore oo  looga hadlayey isku-dubaridka bilowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

19- Maxkamadda Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntey 14 nin oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

20- Ciidamada Qalabka Sida ayaa si habsami uu wada hawlagalada lagu sugayo amniga caasimadda, kana hortagey fal dembiyeed la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

August 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha...

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DHUUSAMAREEB):Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta iska diiwaan-geliyey magaalada Dhuusaamreeb, si uu u...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka sagootiyay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka ku sameeya baraha bulshada

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka ku sameeya baraha bulshada

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In