Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Madrid kula kulmay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Madrid kula kulmay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madrid, 16 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ku sugan magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa maanta kulan la qaatay Mr Taleb D. Refai, Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka (World Tourism Organization) oo fadhigoodu yahay Madrid.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horreyntii warbixin kooban ka siiyey Xoghayaha Guud xaalada dalka iyo horumarka lagu tallaabsaday dhanka amniga, siyaasada iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aadan sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah 4ta sano ee soo socota. Sidoo kale Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dib u soo nooleynta dalxiiska oo muhiim u ah Soomaaliya loona baahanyahay in loo sii diyaargaroowo bacdamaa uu dalku horumar dhanwalba ah uu ku tallaabsanayo.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Mr Taleb D. Refai, Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka (WTO) ee Qaramada Midoobey ayaa Wasiir Eng Yarisow uga mahadceliyey booqashadiisa, soona dhoweeyey dadaalka iyo qorshaha dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya. Mr Refai ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan goob istraatejiyad ah ku taal oo ku wanaagsan dalxiiska, haddana ay tahay waqtigii Soomaaliya laga saacidi lahaa dib u soo nooleynta dalxiiska. Mr Refai ayaa caddeeyey in Hay’ada Dalxiiska Adduunka ay diyaar u tahay in wax walba ay la qabtaan Soomaaliya, ha noqoto sidii caalamka loogu bandhigi lahaa qorsheyaasha iyo istraatejiyada Soomaaliya iyo sidii shirkadaha caalamiga ah loogu ololeyn lahaa inay Soomaaliya dalxiiskeeda maalgashi ku sameystaan.

La Taliyaha Arrimaha Dalxiiska ee Soomaaliya Yasir Baffo oo la socday Wasiir Eng. Yarisow ayaa Hay’ada Dalxiiska Adduunka (WTO) u bandhigay warbixin maqal iyo muuqaal ah ee dalxiiska, soona bandhigay goobaha dalxiiska ku habboon. WTO ayaa aad uga heshay warbixinta oo ay soo jeeditay, sheegtayna caalamka in loo bandhigo si ay u ogaadaan in Soomaaliya ay tahay meel ku habboon dalxiiska.

Ugu danbeyntii Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey Mr Refai iyo Hay’ada WTO sida ay u soo dhoweeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay Soomaaliya ka saacidaan dib u soo nooleynta dalxiiska. Eng. Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay yihiin dad ku wanaagsan dhanka safarka iyo dalxiiska oo ay jiraan in ka badan 2 milyan oo Soomaali ah oo caalamka qurbojoog ku ah, isla markaasna ay Soomaaliya leedahay shirkado diyaaradeed, iyo in Turkish Airlines ay maalin walba aado Muqdisho, sidoo kale FlyDubai iyo Ethiopian Airlines ay Hargeisa aadaan. Isla markaasna ay jiraan shirkado diyaaradeed oo caalami ah oo doonaya inay duulimaadyo ka bilaabaan Soomaaliya.

DHAMAAD

 

Previous Post

Boqol qof oo loogu sameeyay degmada Waaberi adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah

Next Post

Hub ka dhigista Dowladda ay Muqdisho ka wado yaan laga dhigin Hub ka dhicis (FAALLO)

Next Post
Hub ka dhigista Dowladda ay Muqdisho ka wado yaan laga dhigin Hub ka dhicis (FAALLO)

Hub ka dhigista Dowladda ay Muqdisho ka wado yaan laga dhigin Hub ka dhicis (FAALLO)

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In