Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka, Warka ugu Weyn
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Aboker Dubbe  ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka uu taaba galineyo Bangiga IBS.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha 7aad ee Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Ku-simaha Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Guddoomiyaha Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Yaxye Cali Faarax oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in sanadkii 11aad la qabanayo tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, ayna ku tartamayaan 30 degmo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gobollada kale ee dalka.

“Waxaa jirta inaan xiriiro la sameynay Maamulada Degmooyinka Baydhabo iyo Beladweyne ee Gobollada Baay iyo Hiiraan, kuwaasi oo cudur daar muujiyay, waxaana ku badalnay Degmooyinka Buur-hakabo iyo Buula-burte oo sanadkan tartanka ka qeybgalaya, waxaana u rajeynayaa dhamaan tartamayaasha inay soo bandhigi doonaan aqoon”. Ayuu yiri Yaxye.

Cabdinaasir Cabdiqaadir Saalax oo ah qoraaga buugga kobci aqoontaada oo ka kooban su’aalihii iyo Jawaabihii tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee tobankii sano ee aynu ka soo gudubnay ka baxayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in caawa uu ku faraxsanyahay in lagu casuumo furitaanka tartanka, isla markaana buuga laga heli karo meel kasta oo ka mid ah goobaha ganacsiga ee dalka, maadaama uu soo koobayo aqoon.

Shuceyb Maxamuud Maxamed Madaxa Suuqgeynta ee Bangiga IBS oo isna furitaanka tartanka ka hadlay ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranka ay tahay Waarbinta u taagan u adeegidda bulshada, isagoo intaa ku daray inay farxad u tahay in sanadkii 2aad oo xiriir ah ay taabageliyaan tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe oo ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa hoosta ka xariiqay in tartanka uu yahay mid ay degmooyinka ku tartamayaan aqoon, loogana baahanyahay inay muujiyaan asluub wanaag.

“Waxaan shacabka ugu hambalyaynayaa bilashada bisha Ramadaan, Waxaan Alle ka baryaynaa in uu dalkeena ka dhigo dal xasiloon, barwaaqo ah, dadkuna ay isu gurmadaan, waxaan murugada la qeybsanayaa ganacsatada magaalada Hargeysa oo ku hanti beelay dabkii xalay ka kacay Suuqa, kan Xukuuumad ahaan waan la qeybsaneynaa shacabka xanuunka iyo murugada

Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa  ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu xusay in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo.

“Barnaamijkii tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo inoo socon doono muddo 30 cisho ah waa uu inoo furanyahay”. Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Previous Post

Maxamed Cabdiqaadir oo ku guuleystay kurisga HOP#019

Next Post

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In