Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkii saddexaad barnaamijka ay taaba galineyso maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Agaasimaha Radio Muqdisho Axmed Faarax Gaatamow ayaa sheegay inay sharaf u tahay in markale ay qabanayaan tartan cilmiyeedka, iyadoo ay dhageystayaasha iyo daawadayaasha ay ka kala socon doonaan Warbaahinta Qaranka, sida Telefishinka iyo Radio Muqdisho.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Cabdinaasir Xasan ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid la qabo sanadkii lixaad, waxaana uu intaa ku daray in sanadkan si toos ah looga daawan doono telefishinka Qaranka, halka markii hore Radio Muqdisho kaliya si toos ah loogala socon jiray, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay horumar lagu talaabsaday.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale ayaa ugu horeyn Wasiirka iyo agaasimeyaasha uga mahadceliyay qaqsoomidda barnaamijka tartan aqooneedka, waxaana uu si gaar ah labada degmada ee ku tartamaya u rajeeyay inay guuleystaan sanadkan kiisa xigana ay ku gaaran horumar.

Guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray dhamaan ka qeyb galayaasha tartan aqooneedka bisha Ramadaan ee ay sanad waliba qabato Warbaahinta Qaranka, waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay in aqoon lagu tartamo, isla markaana ay maskaxda maalaan.

“Maskaxda hala maalo, oo halaga faa’iideysto aqoonta lagu tartamayo, kan maamul ahaan waan dhiiri gelinaa, sanadkan  waxaan diyaar u nahay in aan markale ka qeyb qaadano, intii ka qeyb gashay oo nasiibka u heshay waan u hambalyayneynaa, aqoonta ha lagu dadaalo”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha Ramadaan, waxaana uu Alle ka baryay in Soomaaliya uu Alle dhibaatada ka qaado, bulshaduna ay is cafiyaan.

Wasiirka ayaa xusay in uu aad ugu faraxsanyahay in sanadkasta uu horumar sameynayay, sanadkana horumarka uu sameeyay ay tahay in Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho ay si wada jir ah ugala socon karaan, isagoo xusay in ay fursad u tahay dhamaan degmooyinka ka qeyb galaya.

“Runtii wax yaabaha lagu tartama waxa ay ahayd mid dadku ay isku bartaan, runtii barnaamijka Kadis ayuu uga dhiganyahay, Agaasimeyaasha iyo inta kale ee ka qeyb qaadatay waan u mahadcelinayaa, runtii waan ku rajo weynahay in aqoon laga kororsan doono, runtii gobolka Benaadir ayaa markale taaba gelinaya tartanka, waana ku amaaneynaa guddoomiyaha gobolka Benaadir in uu howlfiican bulshada u haya, isla markaana ay mashaariic kala duwan ay caasimadda ka fuliyeen, doorka lagu taageerayo dowladda dhexe iyo hay’adaha kale ee dowladda”

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay is caawiyaan oo ay ka qeyb qaataan afurinta dadka walaalahood ee aan waxba heysan, waxaana uu Wasiirku uu si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartankii ugu horeeyey ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan ayaa waxaa caawa lagu daah furay tartameyaasha degmooyinka Yaashqiid ee Gobolka Benaadir vs Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag.

DSC04599 DSC04600 DSC04613 DSC04615 DSC04618  DSC04623 DSC04625 DSC04627 DSC04645 DSC04647 DSC04652 DSC04661 DSC04666 DSC04681 DSC04688 DSC04694 DSC04699 DSC04701

Sawir Qaade: Farxaan Suleymaan Daahir 

Previous Post

Daawo Sawirrada Safarka Madaxweynaha ee Dhadhaab iyo Nairobi

Next Post

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa laga reebay tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “Sawirro+dhageyso”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa laga reebay tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “Sawirro+dhageyso”

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa laga reebay tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “Sawirro+dhageyso”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In