Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan Istiraatiyadda Warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan Istiraatiyadda Warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada Warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo.

Tababarkan oo ay ka faaโ€™iidaysteen ilaa 20 suxufiyiin iyo masโ€™uuliyiin ka kala socday hayโ€™adaha warbaahinta dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee Muqdisho.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Aqoon isweydaarsiga waxaa diiradda lagu saarey sidii weriyeyaasha iyo madaxda warbaahinta loo bari lahaa xirfado sare oo tayo leh oo la xiriira ka hortaga been abuurka ah iyo in bulshada lagu jiheeyo tubta toosan ee wax dhista .

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Turkiga taageeridda tababarkan muhiimka ah.

โ€œWaxaan ku jirnaa olole xooggan oo ku wajahan jiheynta bulshada iyo ka hortaga been abuurka, toddobaad ka hor waxaan qabanay shir weyn oo looga hadlay saameynta been abuurka iyo kicinta colaadaha, tababarkani waxa uu ka dhashay kulan aanu halkan kula yeelanay Safiirka, wuxuuna xoojinaya hagaajinta istaraatiijiyadda Warbaahinta iyo ka hortaga wararka khaldan ama been abuurka ah ee sida ku talogalka ah loo baahiyo. Waxaan uga mahad celinayaa safaaradda taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda โ€ ayuu yiri Wasiir Daaโ€™uud Aweys

Wasiirka waxaa uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in waxa ay ka faaโ€™iideen tababarkan ku dhaqmaan una gudbiyaan saaxiibadooda goobaha shaqada.

Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Danjire Alper AktaลŸ oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa tilmaamay in ujeedka aqoon isweydaarsigan safaaradda u taageertay uu yahay xoojinta iskaashiga labada dal, loona baahan yahay weriyeyaasha iyo warbaahinta inay door fiican ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa wadda dedaalo lagu xoojinayo wacyiga bulshada ee ka hortaga faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha sokeeye oo wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida dalka.

Previous Post

Hayโ€™adda SoDMA oo gaadiid sida shixnado gargaar u dirtay Ruunirgood

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray Dugsiga barbaarinta carruurta Agoonta ciidanka

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray Dugsiga barbaarinta carruurta Agoonta ciidanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray Dugsiga barbaarinta carruurta Agoonta ciidanka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hayโ€™adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In